Kampala Nov 14,2012(SDN)-Kulan ay iskugu yimaaden dhaaman xubnaha gudida fulinta jaliyada Somaliland ee dalka ugandha oo uu hogaaminayo gudomiyaha jaliyada ugandha Md sead hadabo waxa si gacan taag ah oo laysku raacay loona doortay inuu noqdo guddomiyaha golaha dhexe ee jaliyada Somaliland fahad yusuf xariir suldan,kulan kan oo ahaa mid aad loo soo agasimay ayaa waxa uu ka dhacay hotelka weyn ee day to aday hotel waxaana halka ka hadlay ugu horeyn gudoomiyaha jaliyada Somaliland ee dalka ugandha saed oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa dardaaran uga soo jeediyey jaliyada Somaliland waxaanu yidhi waa in sidii horeba laydinka bartay aad uu ilaalisaan isku duubnida anagana waxaad nagu ogaatan oo aan idinka balan qaadayna inaanu idinku shaqeyno si hagar laan ah,waxanu halka uu sifeeyey shaqsiyadda gudoomiyaha golaha dhexe oo yidhi waa aqoonyahan karti khibrad iyo waayo aragnimo bisil u leh xilkan manta halkan loogu doortay kana soo bixi kara waxaanu ilahay uga baryay in ilahay ku asturo xilkan loo magaacabay .
Dhanka kale waxa isna halka ka hadlay guddomiyaha golaha dhexe ee jaliyadda Somaliland ee dalka ugandha fuaad xariir yusuf suldan oo marka hore uu mahad naqay dhamaan jaliyadda Somaliland ee dalka ugandha iyo dhamaan marti sharafta ka soo qayb gashay oo uu horeeyo guddomiyaha xisbiga ucid bariga iyo badhtamaha Africa Md ahmed abdi Ibrahim.
Hadabo isago gudomiyuhu uu mahad naqay guddomiyaha jaliyada Somaliland ee dalka ugandha Md sead ayaa waxa uu yidhi ilahay labadeena ilahay haynagu asturo ,waxaan kale oo aan leyahay dhamaan jaliyada Somaliland ee dalka ugandha waxaad tihiin bulsho aad uu muwaadiniin ah oo isku duuban oo dhisan lana majeerto anagana waxaan idinka balan qaadaya inaan idinku shaqayno si aad hufan oo ilahayna nagu asturo idina ogaada kolba sidaad noola shaqaysan ayey manfacayagu gadhaya taasna waan idinka filayna si badan maantana hadal badan inaan yidha uma sara kicin ,waxaanu hadalkiisa ku so afmeeray balanteenu waa inaaa gadhno yoolkeena oo ah isku duubni iyo inaan uu halgano midnimo iyo wada jir guul iyo gobonimo aaan inoo rajeynaya inana milicsano oo gadhno wax lataaban karo insh alaahu tacaala.
Dhanka kale waxa isna halka ka soo jeediyey hadalo dardaaran uu badan gudomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee bariga iyo badhtamaha Africa oo yidhi waxaan idin dardaaraya inaan marka hore ogaatan midnimo iyo wada jir iyo unity oo aan jaliyada waxa lagu micneeya inay tahay mid uu adeegta danaha qaran sida malmaha wayn xafalada 18 may iyo maamuuska madaxda qaranlka soo dhaweyntooda midaas ayaa idina hogaan noogu tihiin waxaan leyahay ilahay haydin fududeeyo ana waan idinla shaqaynayana midna waxaan leyhay jaliyada Somaliland ee dalka ugandha sidi inoo cadada ahayd aan la shaqayno hogaankeena waxaan kaga baxaya midnimo iyo wada jir insha laah .
Kulankaas ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay farxad iyo rayn rayn
Xafiiska bariga iyo badhtamah Africa ee shabakada SDNnews
Wariye khaddar bitijoor
+256791661106
Ugandha/kampala

