Muqdisho Nov 15,2012(SDN)-Dawladaha dalalka Iran iyo Turkiga oo siyaasada ku herdamaya ayaa Soomaaliya u imanaya asbaabo kala duwan iyaga oo mid waliba ka kale doonayo in uu uga dheereeyo hanashada Soomaalida.
Iran ayaa damacsan in ay Safaarad ka furato Muqdisho dhawaan xili aaney dalal fara badan oo caalamka ahi aaney arintaa ku dhiiran.
Halka Turkigu ay shaaciyeen dhankooda in ay fulinayaan mashruuc ay ku dayac tirayaan dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirada arrimaha dibedda ee labada dal oo isku mar soo gaaray Muqdisho ayaaney cadeyn in ay kulmeen.
Labada dal ee Turkiga iyo Iran ayaa isku haya xaalada dalka Syria oo ay kala taageeraan labada dhan ee dalkaa ku hardamaya.
Soomaaliya ayaa haatan ay ka furan yihiin uun ilaa 5 safaaradood oo kala ah Yemen,Sudan,Itoobiya,Jabuuti iyo Liibiya.
Dalalka caalamka ayaa intooda badani hawlahooda Soomalaiya waxa ay ka fuliyaan Nairobi.
SDN-Mugadisho
contact@somalidiasporanews.com
