Uncategorized

Sheekh Aadan Madoobe:Hadii aynaan inagu Dhuxusha dhoofin Shabaabka ayaa dhoofin doona

Kismayo Nov 15,2012(SDN)-Waxa weli taagan xiisad ka dhalatay Dhuxul ay kooxda Ras kaambooni ka dhoofisay dekedda magaalada Kismaayo oo ay wada jir ula maamulaan ciidamada dawlada Soomaaliya.

Dhuxusha ayaa waxa dhoofinteeda hore u mamnuucay Gollaha Amaanka iyo Dawlada Soomaaliya.

Madaxa Ras Kaanbooni Sheekh Axmed Madoobe oo saxaafada u sheegay in Ganacsada Kismaayo ka codsadeen in ay dhuxusha dhoofiyaan hadii kalena ay khasaarayaan.

Madoobe waxa kale oo uu sheegay in hadii ganacsatadu aaney dekedda isticmaalin in ay tegi doonaan dekeddaha kale ee aan gacantooda ku jirin

“Hadii ganacsatada loo ogolaan in ay dhuxusha ka dhoofsadaan Kismaayo waxa ay tegi doonaan dekedaha weli gacanta Shabaabka ku jira”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dekedo ay ka mid yihiin ta Baraawe ayaa weli waxa gacanta ku haya kooxda Al Shabaab.

Dawlada Soomaaliya ayaa ku celcelisay sida ay uga soo horjeedo in dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com