Beijing Nov 15,2012(SDN)-Dal weynaha Shiinaha ayaa todobaadkii ina dhaafay waxa xisbiga dalkaa ka rimiyaahi uu ku hawlanaa soo xulida madaxweyne cusub oo xilka haya mudada tobanka sano ee soo socota.
Shiinaha oo aaney shicibku dooraan madaxdiisa ayaa kolba xisbiga talada hayaahi shir weyne ku soo xulaa shakhsiga xilka madaxweyne qabanaya.
Xi Jinping oo mudo sanado ahaa madaxweyne ku-xigeen ayaa xalay saqdii dhexe loo doortay madaxweynaha dalkaasi tobanka sano soo socda.
Xisbiga talada haya ayaa soo doortay todobo masuul oo cusub oo guddida sare ee xisbiga ahaan doona,tirada guddida ayaa hore u ahaa sagaal.
Xi Jinping ayaa xilka kala wareegaya madaxweyne Hu Jintao oo mudadii uu xilka hayay dalkiisa ku hogaamiyay koboc dhaqaale oo aan hore loo arag.
Shiinaha oo hada ah dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha baaxada weyn,isla markaana ah ka ugu dadka badan ayaa lagu wadaa in uu degdeg u noqdo dalka dunida ugu awooda badan.
SDN-Beijing
contact@somalidiasporanews.com
