Uncategorized

Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo Muuse bixi ayaa si kulul u weeraray Madax Dhaqameedka Somaliland ee Daga Burco

Burco Nov15/12 (SDN)Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cabdi oo indhaweydba hadalo cid gaara beegsanaya iska ilaalin jiray ayaa galka seefta ka saarey islamarkaana maanta si kulul u naqdiyey,una weeraray waxgaradka iyo madax-dhaqameedka Beelaha Galbeedka Burco (Habaryoonis,Arab iyo Ciise Muuse) oo cabasho ka muujiyey 43 goob codbixineed oo Komishinka doorashooyinku ka dhimeen degaamaday ku suntan yihiin una wareejiyeen ama ugu kordhiyeen beesha bariga Burco taas oo komishinka doorashooiyinku ka garaabeen.

Muuse Biixi wuxuu ku eedeeyay madax-dhaqameedka sadexdaas beelood inay wadaan Arbush ,abuurayaana xiisad colaadeed ,wuxuu intaas ku daray inaan madax dhaqameedka siyaasadba cidi u diran ee maghooda urursadaan, hablahana bixiyaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Odayaashan leh doorasho dhici mayso, oo degaamadayada ka dhici mayso ha ka noqdeen. Maha siyaasiyiin, waa kuwii markii siyaasada laysku qabto dhex noqon lahaa,waxaan leeyahay ha ku eekadaan ururinta magaha iyo bixinta hablaha ayuu hadalkiisii ku soo ururiyey Gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi!.

Tu kale muuse Biixi oo ka naqdiyaayey weedho ka soo duulduulay Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa yidhi “Nimanka aan ogayn wixii la soo maray,ee aan dalka joogin ee iminka leh xil baan doonayaa,dagaal dhici mayo horta ee ogaada,taas hore loo soo arkay” .

sku soo wada duuboo gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo beryhan danbe intii uu gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye la wareegay aad isaga ilaalin jiray hadalada dhiifoon ee carabkiisa ka fakan jiray iyo weedhaha xasaasiyadeysan ee dareenka Bulshada kicinaaya ayaa Maanta si qaawan u weeraray madax dhaqameedka Beelaha Galbeedka Burco oo uu ku tilmaamay inay Nabadgelyada dalka khalkhal gelinayaan, abuurayaana jawi colaadeed oo hor leh

Yeelkeedee weedhahaas Muuse Biixi ayaan ku haboonayn afka masuul Xisbi Qaran Gudoomiye u ah oo cod ka filaaya madax dhaqameedkaa iyo dadkay madaxda u yihiinba,Dhinaca kale malaha Muuse Biixi waanu ogayne Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa ka garaabay cabashada madax-dhaqameedka,qirtayna khaladaadkay ka galeen Beelaha Galbeedka Burco ee Muuse ku sheegay inay xiisad colaadeed hurinayaan iyagoo u doodaaya waxay xaq u leeyihiin.

Burco qurbojoog.com