Uncategorized

ARDAYDA GABILEY IYO ARIN XUMADA SIILAANYO

Taariikhdu waa diiwaan doraad iyo shalay wixii ku dhaafay ayaa laga daalacdaa
aadimigaa u sharaf badan allah wuxuu sameeyay ardayduna waa astaanta
horumarka bulshada waa ilayaska qaranka iyo qoomiyada
.
xakuumada madaxweyne siilaanyo waxay cagta saartay dhabadii lagu halaagay
nidaamkii daaquudka ahaayee ee AFWEYNE taasi oo adeegsan jiray calaamadaha
hada ka muuqday xukunka sii dhacaya ee maxadweyne siilaanyo waxaa soo ifbaxaya
gabagabada nidaanka siilaanyo ee faashilka ah

Ardayda reer gabiley waxay muujiyeen geesinimadii lagu yaqaanay waxay
abaabuleen mudaharaad silmiya mudaharaadkaasi oo ay xaqoodii iyo xuquuqdoodii
ku doonayeen cabasho fara badan ayay u gudbiyeen komishanka doorashooyinka qaran
jawaabtii waxay noqotay in ciidamadu ugu jawaabaan rasaas maaha markii u horaysay
ee rasaas lagu rido reer gabiley nidaankii afweyne ayaa adeegsanjiray rasaasta iyo
xadhig siilaanyona wuxuu cagta saaray dariiqii afweyne.

Ardaydu kuma joogsanayaan rasaase waxay ku joogsanayaan cadaalad iyo sinaan
silaanyo muxuu dhaamaa daaquudkii afweyne mar hadii uu shicibkiii doortay rasaas
u quudhay dalku wuxuu marayaa meel xun waayo rasaastu waa asataanka xukuumada
fishilanta waa aqoon darada xukunka liita ee qabyaalada iyo qudhanka huursan
mudaharaadka waa in la wadaa ilaa inta la joojinayo xoolaha umada ee la cunayo
jaamacada tima cade waxay la mid tahay jaamacada dalka maxaa loo takoorayaaa ?

ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee abwaan maxamed xaashi dhamac
gaariye muxuu ka yidhi arimaha hada taagan ..deeley

Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa

guul iyo gobanimo waa madaharaad salmiya
ardaydu waa astaanta horumarka rasaatu waa astaanta nidaamka sii dhacaya

Omar aw cabdi maxmed
omar dooli