Uncategorized

Dagaalka Gaza oo lagu Imtixaamayo Xukuumada Islamiga ee Masar

London Nov 16,2012(SDN)-Dagaalka guran ee ay dawlada Yuhuudu ku qaaday marinka Gaza ee ay ka arrimiyaan xoogaga Xamaas ayaa waxa uu imtixaankii u horeyay u noqonayaa xukuumada Ikhwaanka ee sida sharciga ah loo doortay ee ka arrimisa dalka Masar.

Hogaamiyihii hore ee Masar ayaa hore u indhaha uga qarsan jiray rabitaanka shacabkiisa had iyo gooraale ka xumaa xaalada Falastiiniyiinta,bacdamaa uu xiiri dhaw oo uu Mareykanka la lahaa siistay rabitaanka shacabkiisa.

Haatanse dawlada la doortay ee Masar indhaha kama qarsan kareyso dagaalka Gaza,reer galbeedkuna wax ka qaban waa duulaanka Israel.

Tani waa tijaabada koowaad ee siyaasadeed ee soo food saartay xukuumada madaxweyne Morsi.

Waxaana hada warbaahinta caalamku ay ka munaaqashoonayaan in duulaanka Gaza uu horseedi karo dagaal gobolka ka dhaca.

Waana sababtaa ta keentay in xukuumada Masar ay Raiisul wasaareheeda u dirto Gaza so xaalka loo dejiyo.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com