Uncategorized

Gudoomiyaha Ururka la Dagalanka Qabyalada Somaliland oo ka Ka Hadlaya Waa maxay QABYAALADDU….? Se Maxay yihiin QABIIL,iyo QARANKU…….?????

AUSTRALIA Nov17/12(SDN) waraxmatulaahi Wabarakat,Dhamaan: Ururka Isku Xidhka Bulshada Somaliland iyo Ladagaalanka QABYAALADDA,damaantiin waad salaamantii,mar labaadna waad ku mahadsantiin isku duubnaanta aad wax u wada qabanaysaan ee aad u wada diyaar tihiin QABYAALADDA inaad aastaan oo aydin xabaal ku hubsataan,Taasi waa mid.
Waxaa kaloo salaan qaaliya oo khaas ah iga muda gudoomiyaha SATO ee UK Mr: Cawaale Birimbir oo ahna Gudoomiyaha koowaad ee xarunta ururka SATO oo ah wadanka UK ,iyo dhamaan madaxda Ururka SATO ee UK.
Waxaan rabaa in aan ka hadlo waxa la kala yidhaahdo ama loo kala yaqaano ‘QABYAALADDA’ iyo ‘QABIILKA’ iyo waxa loo yaqaano oo ah ‘QARAN’
*In badan oo ka tirsan Bulshada Somalinand ayaad waxaad moodaa in aanay fahansanayn macnaha saddexdan eray ee kala ah,- QABIIL,QABYAALAD,iyo QARANKA Somaliland Republic ee aynu u taaganay maanta in aynu nahay Dawlad la mid ah dawladaha caalamka. anoo ku soo noqonaya Saddexdaa magac ee aan kor ku soo sheegay ayaa waxaa jira dad badan oo sheegta in ay leeyihiin aqoon iyo waayo aragnimo ku filan,balse ay iskaga qaldamaan macnaha sadexdaa eray ee aan kor ku soo sheegay. Hadaba anigoo ah Mr:Mubarak Ciise OOMAAR,
Waxaan jecelay in aan wax ka fahansiiyo dadka qabyaaladda ku dhaqma oo ah kuwan URURKAN aynu u samaynay sidii wax looga qaban lahaa Insha-ALLAH

1-waxaan sharxayaa waxaa uu yahay (a):QABIILKU; qabiilku waa reero ama kooxo dad ah oo wadaaga Isir,Caado,Af,Dhaqan iyo dhul u gaar ah”-Aqoon yahanada qaarkoodna waxay ku macneeyaan Qabiilka koox bulsheed oo ka kooban Jilibo ama se Ardaayo ka soo jeeda Jilal isku aftisiimo ah” “Marna Qabiilku waa Bulsho meel wada degan oo leh xeerar iyo dhaqan u gaar ah’.

-Sida Diinteenu inoo cadaysayna,Qabiilku waa hab laysu aqoonsado. Hadaba anoon kusii dheeraan soona koobaya qaybtan 1.aad. Waxaan leeyay :-Hadal iyo dhamaan hadii aad Qaranka xil u hayso waxaad u haysaa Qabiilooyinka oo dhan,
Qabyaaladdana kuma dhaqmi kartid,Hadii aad Qabiilkaaga xil inaad u qabato rabtid, Qaranka xil umahaysid oo taana waa inaad ogaataa mar kasta, waayo Qabiilku qaran kama mas,uul noqon karo,ee Qaranka ayaa Qabiilka difaaci kara,markaa yaanay iskaga kiin Qaldamin.
Haday dhacdo in ay iskaga kaa qaldamaan Qabiilka,Qaranka iyo Qabyaaladu,runtii waxaa ka dhasha dhib aad u balaadhan oo si loo xaliyaana ay aad u adagtay.

Anigoo weli sii wada in aad ila fahantaan cudurka ay qabyaaladu leedahay amaba ay keento, Waxaan filayaa in aad ila fahanteen waxaa uu yahay Qabiilku,waxaa ka dhexeeya.Waxaan kaloon si wanaagsan u macnaynay ama u qeexnay in QABIILKA iyo QABYAALADDU kala yihiin wax kala duwan, waxaan kaloo idiin sheegayaa in Qabiilku uu yahay udhalasho wax ceebana lahayn;
Balse waxaa ceebta u keenaa inuu yahay QABYAALADA oo ah marka Qabiil loo adeegsado hab ah “FICIL” amaba cadaawad ahaan. *Erayga Qabyaaladu wuxuu ka yimid,ama ka koobanyahay laba eray oo kala ah ‘QAB’ iyo ‘YAALAD’. Markaa macnaha ama fasiraada ugu dhow ee loo hayaana eraygaa ay tahay QAB oo ah isla waynaan iyo YAALAD oo iyana ka timid YEEL,marka la iku geeyana noqonaysa (QAB isu YEEL) oo looga jeedo ISLA -WAYNAAN.
Qabyaaladu waxay ka billbantaa FICILTANKA ka dhexeeya labada BAHOOD ee walaalaha ah hadii aan si kale udhigana waa walaaha isku Aabaha ah laakiin kala Hooyada ah,Amaba labada walaalaha ah ee kala Aabaha ah laakiin isku Hooyada ah” *Qabyaaladu marna waa hab lagu abaabulo kooxo ah Qoysas amaba Beelo isku asal ah si loo sameeyo deegaan qabiil ahaan loo leeyahay laakiin cidkale oo ka asal duwani la lahayn deegaankaas. *Qabyaaladu marna waa hab loogu daacad noqonayo qabiilkaad ka soo jeedo Abtirsiimo ahaan,adigoo ku taageeraya Qalad iyo Sax mikastooy ay qabiilkaagu isku raacaan. *Qabyaaladu marna waa faan been ah oo ku salysan qabiilkaygaa ka fara badan kiina amaba anigaa adiga kaa laandheeraysan. *Qabyaaladu marna waa hab colaad ah ama se wax lagu huriyo sida Dabka marka la shidayo ,iyadoo ereyada la adeegsanayo ay ka mid yihiin TOLAAYEEEEEY…!!.
Qabyaaladu marna waa hab loogu adeegsado siyaasadda si loogu raadiyo xulafaysi siyaasadeed,taas oo la doonayo in lagu gaadho dano u gaar ah,sida madaxtinimad iyo wax la mid ah. * Qabyaaladu marna waa hab ay iku raacaan Ummado ku kaladuwan Dhaqanka-Deegaanka-Midabka iyo Diinta,qaybtan waxaa tusaale fiican u ah,dadka midabkoodu madowyahay waxay iska xigsadaan dadka midabkoodu Cad yahay,Dadka Muslinka ahna inay iska xigsadaan ka aan Muslinka ahyn,habkani waa sida ugu sareysa ee Ficiltan ahaan ay qabyaaladu gaadho,waxaanan filayaa meelo badan oo dunida kamid ah ayay maanta Qabyaalada noocan ahina ka jirtaa. *Qabyaaladu markaa waa jeermis lafaha iyo dhuuxa ka gala dadka qaarkii,dawadeeduna ay aad u adagtahay sida loo helo marmarka qaarkood oo wakhti dheerna qaadata. *Isku soo wada duuba oo QABYAALADU waa hab kusalaysan kala Sareyn,Quudhsi,Cunsuriyad,Yasid,Eexasho,Dagaal iyo isxaqiraad ku dhisan sida qabiilooyinku u kala Tiro iyo Taag badanyihiin…. Hadal iyo dhamaan waxaan intaa ku soo koobayaa,fasilaada ama qeexitaanka faraha badan ee Qabyaaladu leedahay,kuwaas oo aynu ku soo bilownay Ficiltanka ka bilowday laba walaalo ah kuna dhamaaday Ummado aan wadaagin Dhaqan,deegaan iyo diin midnaba..WASALAAMU-CALAYKUM… Hadii ay jirto qof su,aal ka qaba maqaalkan ..Waxaad igala soo xidhoodhi kartaa
Mr: Mubarak C OOMAAR.
“muba1972@gmail.com”

Gudoomiyaha Ururka      Somaliland Anti-Tribalism Organization(SATO) ee wadanka AUSTRALIA