Hargeysa (Hubaal)- Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud-Dheere) ayaa Qoraal ka dhex toos ah ka soo saaray baadhitaankii Jihaysnaa ee uu ka waday Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu ku eedaysnaa Agaasimihii maamulka iyo Xisaabaadka ee SLNTV Xasan Maxamuud Maxamed. Hanti dhawraha guud oo qoraalo is burinaya ka soo saaray baadhitaankaas ayaa ku eedayeeyey shaqaale ka tirsan shirkadda ganacsiga ee MSG iyo Nin Ajanabi ah oo madax ka ah shirkadda SLNTV ka kiraysay Satalaytka ee TAICOM. Qoraalka hanti dhawraha ayaa lagu eedeeyey Mahad Sh. Daa’uud Jaamac iyo Maxamuud Xasan Qaalib oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda MSG iyo nin ajaanib ah oo madax ka ah shirkada TVga ka kireysay ee TAICOM, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay qayb ka yihiin meelaha baadhitaanku galay eek u lugta leh dacwadda musuqmaasuq ee Agaasimaha TV-ga. Sida uu hanta dhawruhu ku xusay qoraal uu muddo kordhin ku dalbanayo oo burinaya eediii hore uu ugu eedeeyey Agaasimihii Maamulka ee TVga qaranku, ayaa waxa uu ku qirayaa in lacagta loo haysto Masuulkaasi ay tahey mid loo adeegsadey kirada Satalite-ka ee TVga qaranku ka kiraystay Shirkada TAICOM. Lacagtaasi oo dhan 927,725,500. Hanti-Dhawraha Guud waxa kale oo uu dhawr jeer beddeley qadarka lacageed ee uu eedeyntiisa ku salleeyay isaga oo mar hore ka dhigay lacag dhan 300,000,00/= balse qoraalkan u danbeeyay uu ka dhigay qadar dhan 4,150,680.025/= . Qoraalkan uu muddo kordhinta danbe ku codsadey Hantidhawraha Guud waxa uu ku sababeeyay in baadhista ay ku lug yeesheen dad ajaanib ah iyo kuwo dalka u dhashay oo dalka dibadiisa jooga kuwaas oo uu ka xusay Sarkaalka ugu sareeya shirkada CEO-ga TAICOM Mr. Richard William Howes. Si kastaba ha ahaatee waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta keentay muddo kordhinta joogtada ah ee uu kolba dalbanayo Hanti-Dhawraha Guud la shir imanayo xilli ay baadhistiisu socotay ilaa 1dii Ogos ee sanadkan 2012-ka, xiligaas oo sida laga warqabo uu ku andacooday inuu hayo dhammaan marag muujintii fal-danbiyeed ee looga baahnaa, taas oo sababtey in garsooraha Maxkamada Gobolku u qabto afar cisho oo kaliya in uu ku keeno maxkamada horteeda wixii cadayn ah, balse aan illaa maanta oo ay ka soo wareegtay in ka badan saddex bilood iyo badh uu tahli waayey in uu wax cadayn ah oo mug leh horkeeno sharciga hortiisa, kuna ridey khalkhaliso iyo in uu sida muuqata kolba meel isku qaado. Waxa ay arirntani shaki galinaysaa run sheegnimada iyo dhex-dhexaadnimada Hanti-Dhawraha Guud iyo baadhitaanada uu sameeyo oo marka horeba fari ku godneyd.
Waxaanay daaha ka feydasaa in lacagta uu ku soo eedeeysan yahey Agaasimahii Maamulka TVga Qaranku ay aheyd tan loo adeegsado in lagu bixiyo kirada Sataleytka taas oon hoos iman awoodiisa maamul habayaraatee, isla markaana garab marsan tahey shuruucda maaliyadeed ee dalka u yaalla, maadaama oo heshiiska lala galay shirkada TAICOM uu saxeexday wasiir awood u leh si waafaqsan Qodobka 23(1), ee Sharciga Xeer Nidaamiyaha Xisaabeed ee Qaran Xeer L/r:87/96, taas oo maamulkiisa iyo diwaangelintiisuba tahey mid uu u xilsaaranyhay Hantidhawraha Guud si waafaqsan Qodobada 28aad, 32aad iyo 33aad ee isla Xeer L/r 87/96, iyo Qodobka 56(4) ee sharciga Xisaab Maaliyadeedka Qaran 90/96, iyo Farqadaha Qodobka 55aad ee ee sharciga Xisaab Maaliyadeedka Qaran 90/96 .
Gaba-gebo:
Waxaan muran ku jirin in Hantidhawraha Guud u maaro waayay in uu waddo dacwadan soona gaba-gabeeyo taasi oo sii kordhinasa in marka horeba isaga oon wax baadhis ah sameyn uu si qaawan ugu badheedhay in cid aanu danbi ku heyn uu soo eedeeyo, taasi oo lafjab ku ah milgaha iyo maamuuska xafiiska Hantidhawraha Guud isla markaana shaki galinasa inta lagu kalsoonaan karo baadhitaanada uu galo oo markooda horeba shaki wayni ku jirey.
Taasi oo muujinasa in eedaynta iyo xadhiga Agaasimaha maamulka TVgu in ay marka horeba aheyd mid ujeedooyin gaar ah laga lahaa.
Dhanka kalena Agaasimaha Badhitaanada ee Hanti-dhawrka Guud ee qaranka Mr. Cali Sh. Maxamed Axmed ayaa ka jawaabay eedaynta Boobe isaga oo ku sifeeyay in uu ka gubanayo baadhitaanada socda, isla markaana waxa uu xusay in baadhistu u socoto cid kasta oo ay ku cadaato hanti lunsina ay waajibkooda ka mari doonaan, Agaasimaha Baadhistu waxa uu carabka ku dhuftey in baadhistooda iyo cadaymaha ay hayaanba sharciga hor keeni doonaan, balse ma xusin waqtiga ay sidaasi yeeli doonaan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
