Uncategorized

Aadan Siiro“ Doorashada Annagu Dadka Taageera ayaanu Nahay ee Kuwa Gadhka ula Baxay ee Dawlad La’ aanta ka Faa’iidaysanaya waxaan Leeyahay…”

Hargeysa Nov 17,2012(SDN/Hubaal)- Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro)  oo  kamid ah Culimaa’udiinka waaweyn ee reer Somaliland ayaa naqdiyey qaar kamid ah culimadda diinta ee dalka. Sheekha  ayaa shalay  khudbadii jimcaha  ee  Masaajidka  Quba ee Magaalada Hargeysa,  kusoo qaaday  in Culimada qaarkood ay ka soo horjeedaan doorashooyinka,kuwaasoo aan  ka talinayn nabada iyo xasiloonida wadanka.

“Bahashaa doorasho ah annagu dadka  taageera ayaanu ka mid nahay, kuwa ka soo horjeeda,  kuwa xaraantinimaynaya  ee gadhka ula baxay waxa  aanu haynin ee dawlad la’aanta ka faa’iidaysanaya,  Jimcihii dhaweyd idin lamaan joogin ee Masaajid halkaas ah ayaan ku tukaday   halkaas tagoo  waxa uu leeyahay doorashdu waa xaraan, kuwa ku dhex jiraa waa xaraan qaabka ay u dhacaysaa waa xaraan  dadkii wada Gaalo ayuu ka dhigayaa , hadda Masaajidkii baan sidaas u fadhiyaa  markii uu dhameeyay ayaan ku idhi waaryaa Aw gadhle  horta kuba garanmaynee  adigu ma samada ayaad  ka soo dhacday  meeshan Somaliland-baa la yidhaahdaa, adeerka nin walba Qorigiisiibu haystaaye maxaad Daliil u haysaa  ma in ay isdilaan  baad doonaysaa , Wadaadka kasta oo Kitaabka kasta haystaa ma sheegi qaabkaa u doorta“ ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu ugu baaqay axsaabta tartamaysa in  ilaaliyaan dhaqanka iyo Diinta wakhtiga uu ololuhu socdo. “ Dadka waxa aynu ku waaninaynaa  doorashada la is doorto  si aynu u kala nabadgalno  weeyer macnaheedu ,laakiin ha ilaaliyo Diinteena  ha ilaaliyo Dhaqankeena  ha ilaaliyo karaamada hablaheena , khasaaraha ha la yareeyo”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com