Hargeysa Nov 17,2012 (SDN/Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamuud Xasan (Cali-Sandulle) ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay farogelin ku sameeyaan doorashada labada todobaad innaga xigaan ee dhawaan ka qabsoomi doonta dalka, waxaanu eedayn kulul u soo jeediyey Komishanka Doorashooyinka qaranka oo uu sheegay in ay ku fadhiyaan sharci darro.
Cali Sandule oo shalay warbaahinta u warramay isaga oo ku sugan Hargeysa waxa uu Komishanka ku eedeeyey inay wadaan qorshe ay Beel kali ahi ku codaynayso taas oo uu sheegay haddii ay dhacdo in ay u yeedhanayaan Qaramada Midoobay si ay u dhexdhexaadiyaan.
Ugu Horeyn Cali Maxamuud Xasan oo la su’aalay natiijada ka soo baxday kulan ay shalay fooda isku dareen ururrada siyaasadda iyo Komishanku waxa uu yidhi, “Wallaahi waxaanu ka xumahay in annaga oo iyaga (Komishanka) asturaynay ay haddana miiska isa soo dhigaan, wax allaale wax aanu isku afgaranay oo ay miiska soo dhigeena ma jiro.
Waxa kale oo aan u arkaa in odayaasha (Komishanka) aan ku talax tegayn markaan daraasad ku sameeyey qaabka ay wax u wadaan, markaan eegay inay muuqato doorashadoodu inay waxyeelo ku keeni karto Somaliland, waxaan u arkaa odayaal waqtigoodii dhammaaday oo doorashadda caaglaysanaya.
Caaglaysigana haddii aan sii iftiiminaya dee Caruurtaa la xambaaraa ee is xambaar wax dhaca maaha, doorashaduna waxa ay u qoran tahay heer degmo, degmo reero ayaa wada degi kara oo waxa ay xaq u leeyihiin inay wada codeeyaan ama wada joojiyaan, waayo waxa dhici karta in tuullo laga codaynayo oo la dhigay sanaaduuq reer leeyahay, reerkii kalena ay doorasho u dhici weyday nabad gelyo darro, markaa is xambaar ma soo geli karo bil-kulliya guddi deegaan, waana wax xaaraan ah, ninka codkiisa lehna u ma diidayo anigu ee meesha uu doono ha la tago, ninka aan meeshiisa ka codaynayna in iyadana la yidhaahdo waa lagu xambaaraayaa ma jiro ”. Sidaa ayuu yidhi Md. Cali Sandulle oo shalay u saxaafadda u waramay , waxanu intaa ku daray “Nimankaasi (Komishanka) waxaan u arkaa doorashada ay wadaan inay waxyeelo ku tahay Somalialnd, in la isku dili doono, adduunka, deeq bixiyaasha iyo cidda danaynaysa inay doorashadu dhacdo waxaan leeyahay halaga qabto.
Waxaanan u arkaa nimankaasi in ujeedadoodu tahay waqtigiinii dhammaaye wixiiniina caaglaysta, dadkuna ha isku laayo, taasina dhici mayso. Somaliland beelo badan baa dega ee sida wax u socdaan ee komishanku wax u wadaa waxa ay noqonaysaa hadda in Dir Waqooyi codaynayo oo aan cid kale codaynin, qaabka ay komishanku u dhigeena waa Dir Waqooyi, mar hadday taas sameeyeen annaguna waxaanu leenahay Mahigow soo gal oo xaqiiqada kaalay noo qaybi arrintayada horeba waad u gashee, haddii adduunku soo dhex gali waayona waanu qaadacaynaa doorashada ka urur ahaan, tallaabo weyna waanu qaadi doonaa oo cawaaqib xumo u ah Somaliland, mana soconayso arrintaasi” ayuu yidhi Cali Sandulle.
SDN-
