Hargeysa Nov 17,2012(SDN/Hubaal)- Marwo Caasha-Weris Aw Cumar Yuusuf, oo ah Muwaadiniinta Baayac-mushtarka ah ee reer Somaliland ayaa Wasiirka Maaliyadda iyo Qoyskiisa ku eedeysay inay ku hayaan dagaal ka dhan ah ganacsigeeda, iyadoo cabasho ka muujisay in nolosheedii la cabsi geliyey.
Marwo Caasha-Weris waxa ay dukaan ganacsi ku haystaa degmadda Allaybadday ee gobolka Gabiley oo ay ka soo jeedo, waxaanay ku eedeysay Wasiirka Maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Qoyskiisu inay handidaad iyo dagaal ku qaadeen ganacsigeeda isla markaana ay khasab kagala wareegeen macaamiisheedii iyaga oo shaadh dawladeed u soo huwanaya.
Waxa kale oo ay tilmaamtay in Olole lagu soo qaaday iyada lagaga qaaday dhul ay lahayd oo ku yaal deegaankaas, kaas oo markii ay maamulka degmadda uga dacwootayna ay hungo kala kulantay. “Anigoo ah muwaadinad wadankeeda u soo halgantay una soo shaqaysay, waxan ahaa Jaadley ka Ganacsata Iibinta Qaadka, hase yeeshee wasiirka Maaliyadda ayaa soo abaabulay dad iyaguna qaadka iibiya oo aniga laygu eryayo, intaa laygagama hadhine waxa loo tagay dadkii macmiishayda ahaa ee aan wax (Deyn) ku lahaa waxana dhamaantood lagu yidhi gabadhan magaaladaanu ka raraynaayee waxay idinku lahayd aanu idinka bixinee u geeya mar dambe waxba haka qaadanina,” sidaa ayay Caasha-Weris ku cabatay iyadda oo Habeen Hore nagu soo booqatay Xarunta Wargeyska Hubaal, ee Magaaladda Hargeysa.
Waxaana Marwo Caasha-Weris intaa ku dartay in “Waxa kale oo jirta jago aan ku lahaa magaalada Wajaale oo aanu qolo ku muranay, anigoo intaan aqalkii ka furay oo damacsan inaan dib u habeeyo in lay diiday inaan dhiso waxana ergo laygu dhisay afar jiingadood, waxana aqal madow dhexdiisa lagu gaadhay xukun cadaalad darro ah, iyada oo aan la eegin wixii aanu isku haynay, markii aan ninkii xukumay ku idhi bal kaalay soo eeg waxaad xukuntayna waxa uu igu yidhi ‘ma soo eegayo oo anaa go’aankaa soo saaray’, arrintaana waxa ka dambeeya wasiirka iyo reerkooda, waxana layla dhaqmay sidii aan joogo wadan ajaanib ah.” Weris Aw Cumar oo Xilliga ay Wargeyska Hubaal uga Xog-warramaysay cabashadeeda ay wejigeeda ka muuqdeen dareeno is barkan oo ciil, cabsi iyo cabasho isugu jira ayaa sheegtay in xataa ay lafaheeda loo cago jugleeyey oo ay ka baqe qabto in Waraysigeedu saamayn ku yeesho ammaankeeda.
Waxa kale oo ay sheegtay in lagu hayo raad gur iyo risiq maanacnimo dheeraad ah oo aanay galabsan, “Dabagur iyo dagaal ka dhan ah ganacsigayga iyo noloshayda ayuu wasiirku igu hayaa, cid iga qabanaysaana ma jirto, Guddoomiyaha meesha (Allaybaday) haystaana waa mid uu wasiirka Maaliyaddu Keensaday oo aan dhex-dhexaad ahayn, oo isaga iyo reerkooda oo dhammiba arrintaydan way ka siman yihiin.”.
Mar ay ka jawaabaysay Su’aal nuxurkeedu ahaa bal inay qaab dhaqameed uga dacwootay oo arrinteeda ay u gudbisay oday dhaqameedyadda iyo waxgaradka kale ee bulshada waxa ay sheegtay in ay xataa ka niyad jabtay in madax dhaqameedku wax ka qabtaan arrinteeda oo ay ku dooday in Wasiir Cabdicasiis Aabihii (Maxamed SAmaale) oo degmadda Allaybaday degen lagana yaqaano deegaankaas oo dhan aanu waxba ka qaban ee xataa uu la soo saftay qoyskiisa, is markaana si dadban uga taliyo deegaanka isaga oo Maamulka degmadduna aanay ka hor iman karin doonistiisa iyo wixii uu ka soo horjeedsadaba.
Cabashada gabadhan ayaa ah mid nooceedu ku cusub yahay dacwadaha iyo dhaliilaha bulshadu u jeediso Madaxdooda, isla markaana u muuqata mid mid casabiyadaysan. Gabadhan ayaa markii ay Hubaal waraysiga siisay ws kadib aanu isk u daynay inaanu wax ka weydiino Wasiirka Eedda loo jeedinayo, (Wasiirka Maalliyada) hase yeeshee ay noo suurto geli weyday kadib markii uu telefoonka naga qaban waayay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
