Hargeysa 19, November 2012 (SDN)- Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe) Xildhibaanada Golaha Guurtidda, ayaa Shalay loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha guddida joogtada ah Golehaasi.
Kulan ay isugu yimaadeen Saddex iyo labaatan ka mid ah afar iyo labaatanka xubnood ee guddidaasi kooban ayaa waxa jawigii madashu is bedelay kadib markii ay tanaasuleen laba xubnood oo jagadaas ku tartamayey, waxana cod loo qaaday in Guddoomiyeninada Guddidaas loo doorto Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe, halkaasoo ay ugu wada codeeyeen dhamaan xubnihii Guddidaasi marka laga reebo Guddoomiyihii hore ee Guddidaasi Mudane Muxumed Aw Axmed oo isagu ka maqnaa.
Doorashada gudoonka Guddida joogtadda ah ee Golaha Guurtidda oo dhacday xili aanu goob-joog ahayn Guddoomihii xilkaas wareejin lahaa ayaa maalmahanba waxa ka taagnaa loolan loogu jiray jagadaasi, taasoo uu ku guulaystay Xaaji Cabdi Waraabe.
Xaaji Cabdi Waraabe oo mid ah xubnaha ugu cimriga dheer Mudaneyaasha Golaha Guurtida, waxa uu hore ugu tartamay Guddoomiyenimada Golehaasi, wakhtigii ay talada haysay Xukuumadii Madaxweyne Rayaale, hase yeeshee markii dambe waxa uu xilkaas uga tanaasulay Guddoomiyaha talada Golahaasi haya Md. Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-Gaal) oo ahaa siyaasi door weyn ku lahaa doorashadii hore ee lagaga adkaaday Madaxweynaha talada dalka haya ee Axmed Siilaanyo.
