Uncategorized

Qaar Ka Mida Madax Dhaqameedayada Gobolka Saaxil Oo Komishanka Ka Dalbaday In Goobaha Codaynta Loo Kordhiyo

Berbera 19-11-2012-(SDN)- Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Salaadiinta Gobolka Saaxil ayaa baaq ku aadan doorashada u diray Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Salaadiintan ayaa waxa ay Komishanka ka baaqooda kaga dalbadeen in gobolka Saaxil loo kordhiyo goobaha cod bixinta ee gobolkaasi, iyaga oo sheegay in sanadadii hore ee doorashadu dhici jirtay ay ku soo beegantay xili xagaa ah oo ay badi dadka gobolkaasi u dhashay ka maqnaayeen xili kulaylaha dartii, iyaga oo sheegay in ay xiligan oo ay tahay Jilaal ay dadka gobolka ku dhaqan oo badidoodu joogaan gobolkii oo aanay ka xagaa bixin aanay ku filaan doonin goobaha cod bixintu.

Salaadiintan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hutel Xeebsoor ee magaalada Berbera ayaa fariintan ay u direen Komishanka ku sheegay in haddii aan goobaha loo kordhin ay qaadici doonaan oo aanay gobolkaasi ka dhacayn doorasho, waxaanay Komishanka ku dhaliileen in cidii warbaahinta ka qaylinasana ay goobaha u kordhinayaan cidii kalena xaqiiqada ka jirta aanay ogaanaynin.

Salaadiintan maanta shirka jaraa’id ku qabatay Hutel Xeebsoor ee magaalada Berbera ayaa waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Axmed Sheekh, Suldaan Shariif Batuun, Suldaan Nuur Jaamac iyo salaadiin kale oo ka tirsan Salaadiinta gobolka Saaxil.

www.Qurbejoog.com Hargeisa