Uncategorized

Hillary Clinton:Amniga Dunidu waa dhaamaa sidii hore

Washington Feb 02,2013(SDN)-Xoghayihii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa shalay gelinkii danbe macasalaameysay shaqaalhii ay mudada shanta sanadooda wada shaqeynayeen.

Clinton ayaa todobaadka soo socda xilka ku wareejin doonta xoghayaha cusub ee wasaraadaas John Kerry.

Clinton ayaa sheegtay in mudadii ay xilka heysay in si weyn looga shaqeeyay sidii loo wiiqi lahaa xagjiriinta amniga caalamkana sugidiisa wax looga qaban lahaa.

“Waxaan aad ugu qanacsanahay hawsha aanu wadajirka u qabanay mudadii aanu wada shaqeyneynay,balse sida maanta(shalay) dhacday waad aragtaan weerarka ankara ee nalagu soo qaaday,hawl faro badan ayaa weli ina sugeysa”ayay tiri Clinton.

Xogahaye Clinton ayaa waraaqihii iscasilaada maanta u guddbisay madaxweyne Obama oo ay 2088dii ku loolameen xilka Madaxtinimo.

Xoghayaha ayaase haatan ka gaabsatay in ay shaaciso in ay damacsan tahay in ay xilka Aqalka Cad mar kale u tartanto.

“Waxaan ahaanayaa xoghayaha arrimaha dibedda ilaa ilbiriqsiga u danbeeyay,ka dibna waxaan qaadan doonaa todobaad fasax ah,ka dibna waxaan qiimeyn doonaa soo jeedimaha kala duwaan ee la i soo gaarsiiyay”ayay tiri Clinton.

Si kastaba ha ahaatee ma cada sababha dhabta ee ay xilka uga tagatay iyo dameeceeda siyaasadeed toona.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com