Uncategorized

Q/M iyo Maraykanka oo ka walwalsan kiiska lagu Maxkamadeynayo Wariye Koronto

Washington Feb 02 2013 (SDN)– Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si sharciga waafaqsan ay u qaado Kiiska la xiriira Kufsiga ee looheysto Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo ah saxafi Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu faafiyay warar been abuur ah oo kufsigaasi la xiriira.

Afhayeenka Waaxada Arrimaha Dibadda dowladda Maraykanka haweyneyda lagu magacaabo Victoria Nuland ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya in ay ilaaliso dastuurkeeda islamarkaana ay qadariso xuriyada saxaafada ka jirta Somaliya.

“Waxaan leenahay caalamku waa uu idin daawanayaa tani waa tijaabo ku aadana Musataqbalka Soomaaliya” ayay tiri Victoria Nuland.

Kooxaha u dooda saxafiyiinta ayaa sheegay in Koronto uu xabsiga ku jiray tan iyo 10kii January taasi oo ah sarci daro.

Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa canabaareeyay kiiska loo heysto Wariye Cabdul Casiis Cabdu Nuur Ibraahim.

SDN-Washington