Garoowe Feb 07 2013 (SDN)— Masuuliyiinta dhanka ammaanka uqaabilsan maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan udulqaadan doonin in hub sharcidaro ah lagu dhexwato deeganada maamulka Puntland.
Wasiirka ammaanka ee maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland uusan marnaba aqbali doonin in hub si sharcidaro ah loogu dhexwato deeganada maamulkaasi.
Wuxuu sheegay in Wasaarada arimaha gudaha ay talaabo ka qaadayso cidii lagu arko hub sharci daro ah oo wadata isaga oo sheegay in sidoo kale aan loo dulqaadan doonin askar aan ka tirsaneyn maamulka Puntland inta qoryo loo dhiibo gaadiid la saaro sida uu sheegay.
Hadalka kasoo baxay wasaarada ammaanka ee maamulka Puntland wuxuu kusoo aadaya iyadoo daraad dibadbaxyo ay ka dhaceen Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.
Tan iyo markii Madaxweynaha maamulka Puntland uu shaaciyay inuu waqtiga kororsaday muddo halsano ah ayaa deeganada maamulka Puntland waxaa ka taagan xasarado siyaasadeed.
