Qaahira Feb 07 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Masar Maxamed Mursi kaasi oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal iya isbadaladii u danbeeyay ee dalka Soomaaliya laga sameeyay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Madaxweyne Mursi in dowladda Soomaaliya aya hada ku jirto wadadii ay ku soo kaban laheyd islamarkaana loo baahanyahay in dowladdaha calamka gaar ahaan dowladda Masar ay taageerto dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Xasan sheikh Maxamuud ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Nuur Al Maliki kaasi oo uu kala hadlay xiriirka labada dalka isagoo uga sheekeeyay ibadalada Soomaaliya la sameeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha Ciraaq in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo 22-sano ay dagaalo iyo colaado ka socdeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Qaahira.
