Hargaysa 07.Feb(SDN) Doon kaluumaysi oo laga leeyahay Wadanka Yemen ayaa galabta ku degtay Xeebta Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag .
Taliyaha Ciidamada Difaaca Iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Sareeye Guuto Axmed Aw Cismaan oo u Waramayay Shabakada SDN ayaa sheegay in doontani ay degtay galabta saacadu markay ahayd Shantii iyo Badhkii galabnimo waxaanu xusay inay saarnaayeen 15 qof oo ka shaqaynayay .
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu waxa uu xusay in Ciidanka Badu u gurmadeen markii ay doontan oo ahayd mid kalluumaysi ay degtay isla ,markaana ay ka soo badbaadiyeen dhamaanba dadkii saarnaa isagoo intaas ku daray in lagu hayo shaqaalahaasi fadhiisinka Ciidanka Ilaalada iyo Difaaca Xeebaha ee Degmada Maydh.
Hargaysa SDN.
