Muqdisho Feb 07 2013 (SDN)— Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, Ciidamada Midowga Africa ayaa weerar gaadmo ah oo qasaaro xoogan loogu geystay ku qaaday Fariisin ay AL Shabaaba ku lahaayeen deegaanka Muudaale ee gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in Al Shabaab xilliga weerarka lagu qaadayay ay qaban qaabinayeen duulaan ka dhan ah Ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM ee koofurta Soomaaliya waxaana intaasi lagu daray in howlgalkan ay wada fuliyeen Ciidmada dowladda iyo AMISOM.
Waxaa lagu yiri Warasaxaafadeedkan “Ciidamada Wada jirka ah waxa ay weerar ku qaadeen fariisin Al Shabaab eek u lahaayeen Muudaale waxa lagu gaarsiiyay qasaaro xoogan”.
AMISOM ayaa sheegay in ay Al Shababa ka qabsadeen Afar qorayga AK47-ka ah Gaari labo shira ah iyo qalabka Milatarigu iskula xiriiraan.
Taliyaha Qeybta 2aad ee AMISOM Brigadier Anthony Ngere ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan lagu xaqiijiyay Qatar dadka rayidka ah kaga soo wajahneed isku socodkooda deegaanada Muudaale iyo Buusaar.
Ugudanbeyn Warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM ay ka go’antahay xaqiijinta Amaanka dadka Soomaaliya iyo in la hubiyo nabad galayada wadooyinka kala duwan.
