Hargaysa 08.Feb.(SDN) Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee fadhigiisu yahay Ceel Daraad ayaa hawl gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen laba doonyood oo si Sharci daro ah uga Kalluumaysanayay Xeebta Somaliland ee Deegaanka Karin ee Gobolka Saaxil.
Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Aw Cismaan Xasan oo u Waramayay Shabakada SDN ayaa Sheegay in labadan doonyood ay saarnaayeen Shaqaale Dhan Laba iyo Sodon Xubnood, Waxa uu Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu uu Xusay in Hawl galka lagu soo qabqabtay doonyahan ay iska kaashadeen Wasaarada Kalluumaysiga iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha .
Sareeye Guuto Axmed Aw Cismaan waxa uu intaas ku daray inay Sharciga la tiigsan doonaan dhamaanba hawl wadeenadan sida Sharci darada ah uga Kalluumaysanay Xeebta Somaliland waxaa kale oo uu digniin u diray Cid kasta oo Sifo sharci daro ah uga Kalluumaysanaysa Xeebaha Somaliland.
Hargaysa SDN.
