Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho Feb 08 2013 (SDN)– Madaxawaynaha jamhuuriyada soomaaliya mudane xasan sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalimihii ugu dambeeyay dalka ka maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ku soo dhaweeyay madaxda ugu sareysa dalka ee uu ka mid yahay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed sheekh cismaan jawaari ,Ra’iisulasaaraha soomaaliya cabdi faarax shir doon saacid ,qaar ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada soomaaliya, maamulka gobolka banaadir uu horkacayo gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho maxamuud axmed nuur tarsan ciidamada qalabka sida ,baanbayda iyo dad wayne aad u fara badan oo kala socday degmooyinka gobolka banaadir.

Madaxwaynaha jamhuuriyada soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud oo ay garbaha ay ka taagnaayeen gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha ayuu saxaafada ugu warbixiyay safaradiisa.

Waxaa uu sheegay madaxwaynaha in uu safaro badan kula bixiyay dalal dhowr ah waxaana uu hoosta ka xariiqay in dalalkii uu tagay uu la kulmay madaxda dalkaas islamarkaana uu kala hadlay arimaha soomaaliya balan qaadyo fiicana uu ka helay.

Madaxwaynaha jamhuuriyada soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu ka maqnaa safaro uu ku kala bixinayay qaar ka mid ah dalka caalmka.