Uncategorized

Qaxootigii Soomaalida ee Kiinya oo Muqdisho ku soo qulqulaya

Nairobi Feb 09,2013(SDN)-Qaxootigii Soomaalida ee dalka Kiinya mudada dheer ku sugnaa ayaa haatan u soo diga rogtay dalkoodii hooyo ka dib kolkii dalkaasi culeys Soomaaliada ku saaray in ay Kiinya isga baxaan hadaaney xeryaha qaxootiga ku xarooneyn.

Qaxa dib dalka loogu soo noqonayo ayaa yimi ka dib kolkii qaraxyo is xigaahi ay Kiinya ka dheceen,ka dibna Soomaalida eedahooda dusha loo saaray.

Waxa in dhawaalaba bilowday in tuug iyo dad gadoodsaniba ay bartilmaan sadeen ganacsiyada iyo aqalada Soomaalida ee Eastleigh.

Sidoo kale Booliska Kiinya ayaa dadka aqalada kala baxayay mudaba haatan iyaga oo dalbanayay madaxfurasho.

Sida uu aqoonyahan ku sugan Nairobi u sheegay Jariirada Al Jazira Soomaalidu waxa hada ay door bideysaa in ay dalkoodii oo aan xasiloneyn ay dib isaga noqdaan.

“In ka badan 6,000 oo qoys oo Soomaali ah ayaa dhawaan dalkii dib ugu noqday,ka dib kolkii ay xamili waayeen cadaadiska lagu hayo”sidaa waxa yiri Dr Ibrahim Farah oo Jamacada Nairobi Bare ka ah.

Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa iyana sheegtay in ilaa 13 duulimaad oo Niarobi ka taga todobaad walba in ay daad gureeyaan Soomalidii qaxootiga ku aheyd Kiinya.

Hay’adaha QM iyo kuwa caalamiga ah ee gacan qabta qaxootiga ayaa sheegay in inka badan nus malyuun Soomaali ah oo eastleigh ay qaxooti ahaan u diiwaan gashan yihiin,inkasta oo ay muuqato in tiradu intaa ka sareyso.

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dhaca xadka Soomaaliya iyo Kiinya ayaa qudhoodu million ruux dad aan ka yareyni ay ku nool yihiin.

Si kastaba ha ahaatee talaabadan dadku dib ugu soo noqonayo Caasimada Soomaaliya ayaa noqoneysa mid gacan ka geysata dib u dhiska dalka.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com