Uncategorized

Xarshin: Ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya oo qof rayid ah qudha ka jaray

Jigjiga 08, Feb. 2013 (SDN)- Ciidamada Liyuu Booliis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa Arbacadii toddobaadkii tegay ku dilay deegaanka Faarax Liibaan ee Degmada Xarshin marxuum magaciisu ahaa Maxamed Qawdhan Cabdi oo ka soo jeeda degmada Xarshin oo deegaanno hoos yimaadda ay hore ciidamada Liyuu booliisku ugu dileen dad tiro badan.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya deegaannadaas, Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Qawdhan Cabdi, waxa uu marka la dilay watay baabuur wayn oo nooca Shaambooga loo yaqaano ah, waxaanu 06/01/2013 ka shiraacday magaalada Harta Sheekha, isla markaana waxa uu u sii jeeday dhinaca degmada Xarshin. Warku wuxuu intaa ku daray, in marka uu marayo deegaanka Faarax Liibaan, ay joojiyeen ciidamo Liyuu Booliis ah, kuwaasoo markii ay aqoonsadeen rasaas ku furay, kuna dilay.

Bishii September 11-keedii ee sanadkii 2012 ayay ahayd markii ay ciidamada Liyuu Boolis 12 qof oo Shacab oo mid ka mid ahi haweenay ahayd ay ku dileen deegaanka Cilmi Xirsi, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha deegaankaa dega ee Isaaq. Taasi waxay keentay in guddi ka soo jeeda deegaannadaas oo qurba-joog ahi ay u yimaaddaan dalka Itoobiya sababo la xidhiidha dilkaas, si ay xaqiiq rasmi ah uga helaan sababaha keenay iyo in caddaaladda la horkeeno ciddii ka dambaysay, kuwaas oo 06/12/2012 ka soo degay magaalada Addis-Ababa. Sida ay wararku sheegayaan, waxay guddidaasi socdaal xaqiiqo raadin ah ku mareen deegaannadii ay mashaqadu ka dhacday iyo kuwo kale oo ay ka mid ahaayeen; Jigjiga, Harta Shekha, Xarshin, Laanqayrta, Kaam-Abokor, Darroor, Gaashaamo, Baalla-dhaye , Wajaale iyo dhammaan deegaannada hoos yimaadda. Waxay deegaammadaas ka soo ururiyeen tabashooyinka la xidhiidha hab-dhaqanada ciidamada Liyuu Boolis ku hayaan dadka ku dhaqan deegaannadaas iyo tacaddiyada ka dhacay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Iley, ayaa maalin ka dib wakhtigii uu dil-wadareedkaasi dhacay, waxa uu magaalada Jigjiga kula kulmay madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaannada mashaqadu ka dhacday, waxaanu ballan-qaaday in uu dhammaynayo. Hase ahaatee, siday wararku sheegayaan, waxa uu taa beddelkeeda dalalka Yurub, gaar ahaan waddamada Scandinavian-ka u diray wefti ka socda maamulkiisa oo kala ah, wasiirka waxbarashada Fataax Maxamed Fatax, wasiirka Daakhliga, ahna madaxweyne-xigeenka saddexaad iyo wasiirka shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Cabdirisaaq Cali Jaamac, si uu u helo taageero la xidhiidha ficillada ay ciidamada Liyu Boolis ka sameeyaan deegaannada oo uu ka kasbado dadka qurba-joogga ah, isla markaana uu u dambabaso xogta ay guddida Qurba-joogga ahi ka soo ururiyeen deegaamada ay mareen ee tacaddiyadu ka dhaceen.

 

Qurbejoog.com, Jigjiga