Uncategorized

Guddoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Turkiga ugu baaqay in ay dhexdhexaadiso Dawlada iyo Shababaka

Muqdisho Feb 09,2013(SDN)-Guddoomiyaha hay’ada culimaaudiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Salaad ayaa dawlada Turkiga baaq uu u jeediyay waxa uu ku codsadau in la dhexdhexaadiyo dawlada Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab.

Sheekh Bashiir Salaad waxa uu codsigiisa ku sheegay in dawlada Turkigu tahay dawlada keliya ee arintani suurto gelin karta.

“Turkigu waxa ay muujiyeen sida ay daacada uga yihiin in xal loo helo meshaakilka Soomaaliya”ayuu yiri sheekha oo u waramay mid ka mida jariiradaha ka soo baxa Turkiga.

Sheekhu waxa sidoo kale uu ka waramay suurtogalnimada in xal waara la dhex dhigo labada dhan.

“Heshiis labada dhan ay isla qaataan waxa uu leeyahay muhiimad dheeraad ah,waana suurtogal in la helo xal diblomaasiyadeed”ayuu sheekhu yiri.

Turkiga ayaa mucaawinooyin dhawr nuuc isugu jira oo lagu diirsaday ku gacan qabtay shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed sanadihii u danbeeyay.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com