Uncategorized

Rabshado ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay dalka Masar

Qaahira Feb 09 2013 (SDN)— Wasaarada Caafimaadka dalka Masar ayaa sheegtay in dibad baxyo rabshada watay oo ka dhacay dalkaaasi ay ku dhawacmeen ku dhawaad 30-ruux kuwaasi oo u badan dadka dibad baxyada dhigayay.

Wasaarada ayaa sheegtay in dadkan intooda badan ay ku dhawaacmeen rabashado ka dhacay Magaalooyinka Gharbiya iyo Alexandria halkaasi oo ay ka dhaceen dibadbaxyo xoogan salaadii jimcaha kaddib.

Dibadbaxyada kadhacay dalka Masar ayaa loogu magacday Jimcihii Sarafta iyo xuriyada waxaana ku baaqay Mucaaradka dalkaasi oo sheegay in Mursi looga baahanyahay in uu ka mira dhaliyo kacdoonkii xukunka loogu dhiibay.