Uncategorized

Gudoomiyaha Xuquuqul Iinsaanka Qaranka oo Canbaaraysay Kufsiyo dalka ka dhacay.

Hargaysa 09.Feb (SDN) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul insaanka qaranka Marwo Farxiya Xuseen Jaahuur ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabatay xafiiskeeda waxay kaga hadashay sadex arimood oo kala ah Kufsi ku dhacay sadex hablood oo socdaal tahriib ah ku marayey Xuduuda Somaliland yo jabuuti

Marwo Farxiya xuseen oo ku hadlaysay magaca Gudiga Xuquuqul insaanka JSL waxay si adag u cambaaraysay Kufsiga loo gaystay sadexdaa hablood oo aan la sheegin dalka ay u dhasheen, waxayna Marwo Farxiya oo arintaa faahfaahinaysay ay sheegtay in kufsigu ka dhacay meel lagu magacaabo Qalanqalley oo u jirta 25 Mitir siliga xuduuda labada dal.

Gudoomiyaha gudida Xuquuqul insaanka Qaranku waxay ballanqaaday inay dabogal ku sameynayaan xadgudubka kufsigaasi.

Arinka labaad ayaa Marwo farxiya waxa ay caddaysay in gabadhii dhowaan lagu eedeeyey inay aflagaadeysay mas’uuliyiinta qaranka qaarkood, waxana ay marwadu shir jaraa’idkeeda ku caddaysay inay la kulantay Gabadhaasi isla markaana ay u qiratay inay gashay dembigaasi gashay.

Qodobka sadexaad ee ay Gudoomiyaha Xuquuqul imsaanku kaga hadashay shir jaraa’idkan oo ahaa Nin maxbuus ah oo ku xidhan xabsiga weyn ee hargaysa laguna magacaabo Maxamed Aw cabdi cabdilaahi kaas oo saxaafadda qaarkeed baahisay inuu ku ildaran yahay xabsiga mandheera.

Marwo farxiya oo ka hadlaysay arinka ninkaasi waxa ay sheegtay inay ninkaasi muddo shan bilood ah ka hor laga soo bedelay xabsiga mandheera, ayna gudideedu ku booqdeen jeelka Hargaysa, isla markaana uu cabasho ka jeediyey in muddo dheer uu ku jiray xabsiga isagoo aan la xukumin oo maxkamad la hor gayn, hase yeeshee uu ka mahad sheegtay hanaanka ay ula macaamileen ciidamada asluubtu, caafimaadkiisuna hadda wanaagsan yahay, ka dib markii laga daweeyey xanuuno asiibay.

Gudoomiyaha Gudida Xuquuqda insaanka Qaranku waxay ballanqaaday inay hay’adaha ku shaqada leh kala xidhiidhi doonto arinta maxbuuskaasi, waxana ay wax kama jiraan aan sal iyo raad toona lahayn ku sheegtay warbixin ay Todobaadkii hore dhamaadkiisii arimahan qaarkood ka jeediyeen hay’addaha xuquuqda insaanka madaxa banana ee Somaliland ku sugan.

Hargaysa SDN.