Hargeysa13Feb13 (qurbejoog) – Khilaafka u dhexeeya Madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, ayaa saamayn ku yeeshay shaqaale hoosaadka aqalka Madaxtooyadda, waxaana soo baxday in badhkood la safteen garabka Madaxwaynaha, taasina waxay keentay inay istaagaan hawlihii xafiisyada shaqaalahaasi ee u dhexeeyay Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo qaabilsan inuu warbaahinta u soo gudbiyo hawlqabadka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka, ayaa hawlihiisii istaageen tan iyo intii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu safarka ugu baxay dalka Ingiriiska, waxaana xafiiska afhayeenku uu ka gaabsaday inuu warbaahinta u soo gudbiyo hawl-qabadka Madaxwayne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxwaynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ilaa wakhtigaasi fuliyey hawlo badan oo la mid ah kuwii Marka Madaxwaynuhu fuliyo ay markaaba warbaahinta u soo gudbin jireen.
Ku simaha Madaxwaynaha oo ilaa inta Madaxwaynuhu maqan yahay dhowr jeer aqalka Madaxtooyada dibada uga soo baxay isla-markaana kormeer ku sameeyay xafiisyada hay’addaha dawladda qaarkood, sida Wasaarada arimaha gudaha iyo laanta socdaalka oo uu booqasho ku tagay ayaan Afhayeenka iyo hawl-wadeenada xafiiskiisu aanay hal sawirna ka qaadin isla-markaana aanay warbaahinta ugu soo dirin, sidii ay awalba marka Madaxwaynuhu meel furayo ama xafiis dawladeed booqdo ay saxaafada u soo gaadhsiin jireen sawirada iyo war-bixinaha kale, iyadda oo sidoo kale Afhayeenku aanu Madaxwayne ku xigeenka u raacin, war-bixina ka keenin kulan Madaxwayne ku xigeenka Hargeysa ku dhex maray safiirka Itoobiya ee Somaliland.
Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo marka uu Madaxwaynuhu meel booqanayo sida askarta ka horeeya isla-markaana marka Madaxwaynuhu uu qasriga kula kulmo wefti markaaba war-saxaafadeed ka soo saari jiray waxay ka wada hadleen, ayaan wax war-saxaafadeed iyo sawir ah aan ka soo gudbin kulan Madaxwayne ku xigeenku doraad qasriga Madaxtooyada kula yeeshay wefti ka socday dalka Turkiga, taasi oo muujinaysa in afhayeenku la saftay Madaxwaynaha isla-markaana aaminay inaanu ahayn afhayeenka Madaxtooyada ee uu yahay afhayeenka Madaxwaynaha.
Arintan ayaa u muuqanaysa in Afhayeenka Madaxtooyadu ku milmay khilaafka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, garabkana saarayo Madaxwaynaha, sababta aanu hawlqabadka ku simaha u soo bandhigayna ay tahay jilaafo uu u dhigayo Madaxwayne ku xigeenka, si uu daboolka u saaro waxqabadkiisa.
Dhanka kale, Telefiishanka iyo idaacada Dawladda Somaliland ayaan iyaguna hawlahaasi uu fuliyey Madaxwayne ku xigeenku ka gaabsaday oo aan maalin kaliyana siidayn hawlqabad uu fuliyey ku simaha Madaxwaynuhu, halka saxaafada Madaxa-banaan oo kaliya ay iska xil-saareen baahinta iyo soo bandhigida hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyada Madaxwayne ku xigeenka, iyadda oo sidoo kalena ay tani dibada u soo saartay in Wasaarada warfaafinta ay maamushaan agaasimaha wasaarada warfaafinta iyo agaasimaha Telefiishanka oo hore Boobe u sheegay in Madaxtooyada laga soo diray, kuwaasi oo awooda la siiyay awgeed uga haybaysan waayay Wasiirka warfaafinta oo la tilmaamay inay ku colaadinayaan kulan uu la yeeshay Madaxwayne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxwaynaha.
Arintan ayaa markhaati u noqonaysa in khilaafka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu yahay mid taxan ilaa Wasaarada warfaafinta, maadaama oo idaacada iyo telefiishanka qaranka laga joojiyey in laga siidaayo waxqabadka Madaxwayne ku xigeenka.
Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) oo aanu xalay la xidhiidhnay si aanu arintan wax uga waydiino ayaa naga war-wareegay, waxaanu markaanu la hadlaynay noo sheegay inuu gaadhi wado oo aanu haleelayn.
