Muqdisho Feb 13 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya Mohamed Salah Anadif.
Kulanka oo ahaa mid ay saxaafada dibadjoog ka aheyd islamarkaana markii uu soo dhamaaday kadib warbaahinta laga siiyay warbixin ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed Anadif wuxuu sharaxay waxyaabaha ay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inay kawada hadleen sidii loosii xoojin lahaa howlgalka ciidanka AMISOM ee dalka Soomaaliya iminka ka socda.
Mohamed Salad Anadif ayaa ushegay warbaahinta sidatan “Sidaad ka warqabtaan xaalada nabadgalyo ee ka jirto dalka Soomaaliya waxay tahay mid heer sare,taasi oo ka dhalatay kaalmada ka imaaneysa ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed caawinaya”.
Sidoo kale Mohamed Salad Anadif Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ugudbiyay fariin ku aadan howlgalka AMISOM in lasii laba jibaari doono.
“Waxaana Madaxweynaha Soomaaliya u gudbineynaa fariin ah in aan sii xoojin doono kaalmada aan siineyno shacabka Soomaaliyeed si ay xasilooni ugu noolaadaan shacabka”.
Ciidamada AMISOM ayaa howlgalka ka wada dalka Soomaaliya iyaga oo caawiya ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dagaal kala dhaxeeya Al-Shabaabka dalka Soomaaliya ka dagaalama.
SDN-Muqdisho
