Uncategorized

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Tababar u soo xidhay koox dhakhaatiir Wasaarada Xoolaha ah

Sheekh 17.Feb (SDN) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa maanta tababar ugu Soo Xidhay Dugsiga Culuunta Xoolaha ee Degmada Sheekh Koox Dhakhaatiir ah oo ka tirsan Wasaarada Xanaanada Xoolaha .

Tababarkan waxaa ka qayb qaadanayay afar iyo labaatan Xubnood oo ka mid ah hawl wadeenada Wasaarada Xoolaha kuwaas oo Mudo afar bilood nidaamka Waxbarasho ee I-Learn ka qaadanayay Jaamacada Nayroobi University .

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali   ayaa  sheegay in Kooxdan dhakhaatiirta ahi ay ku baranayeen Ilaalinta Nadaafada Hilibka Qalan ee lagu iibiyo Suuqyada.

Wasiirku Waxa uu Xusay in Xubnahan ay ka hawlgali doonaan Magaalooyinka Waaweyn si hilibka lagu iibinayo Suuqyadu uu noqdo mid Caafimaad ahaan Sugan,waxaanu intaas ku daray in arrintani ay Wax badan ka bedeli doonto hilibka qalan ee dibada aynu u iib gayno lagu sugi karo faya dhawrkiisa .

Dr Cabdi Aw Daahir Cali waxa uu Sharaxay Siyaasada Wasaaradiisa ee ku Wajahan daryeelka iyo Caafimaadiinta Xoolaha .

Waxaa kale oo uu Xadhiga ka jaray laba Mashruuc oo dhinaca caafimaadka Xoolaha ah oo laga hirgaliyay degmada Sheekh.

Sheekh SDN.