Oodweyne 17.Feb (SDN) Gudoomiyaha cusub ee gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala Wareegay gudoomiyihii hore ee Gobolkaas Yuusuf Ibraahin Geedi ,oo haatan ah Gudoomiyaha Gobolka Gebilay waxaana Xaflad arrintan ku saabsan lagu qabtay Magaalada Oodweyne .
Munaasibad balaadhan oo ka qayb galeen Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Oodweyne,Waxgarad,Aqoon yahan,Madax dhaqameedyo iyo Agaasimaha Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha .
Maayarka Magaalada Oodweyne C.Shakuur Nuur Muuse ayaa Sheegay inay balan qaadayaan Gole Deegaan ahaan Gacan buuxda ku Siinayaan Gudoomiyaha Cusub gudashada Waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Daad Madheedh Yuusuf Ibraahin Geedi ,oo haatan loo bedelay Gudoomiyaha Gobolka Gebilay ayaa ka waramay Waxqabadkii u Suuro galay Mudadii uu Xilka Gobolkaasi hayay waxaanu Sheegay inay farxad u tahay in hawshii Gobolka Daad Madheedh uu ku Wareejiyo Mas’uul in badan soo hayay Xilka Gobolkii hawd,Waxaanu ugu baaqay Shacabka ku nool gobolkaasi inay gacan muuqata siiyaan Gudoomiyaha Cusub.
Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ee gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure ayaa dhankiisa Sheegay in Sunaha Dawladnimo ina farayo in Xilalka la isugu Wareejiyo si niyad Samaan ah,waxaanu Xusay inuu Madaxweynaha uga mahadcelinayo inuu u soo magacaabo Gobolka daad Madheedh oo baaxadisa dhuleed ay weyn tahay,isagoo ka dalbaday Qaybaha bulshada ee Gobolkaasi inay u midoobaan horumarinta Gobolka Daad Madheedh.
Agaasimaha Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Maxamed oo Gaba Gabadii Munaasibadaas Labada Mas’uul Xilka u kala Wareejiyay ayaa u soo Jeediyay Maamulada degmooyinka Gobolku iyo Cuqaashuba inay si dhab ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad Madheedh.
Oodweyne SDN.
