Jabuti Feb 24,2013(SDN)-Xaalada Siyaasadeed ee dalka Jabuuti ayaa cakiran maalmo ka dib doorashooyinkii Baarlamaanka dalkan Jabuuti ee sida weyn loogu loolamay.
Sadexdii xisbi ee ku tartamay doorashooyinka ayaa isku maandhaafay natiijooyinkii doorashooyinka ee Jimcihii ina dhaafay ka dhacay guud ahaan dalka.
Xukuumada Jabuti ayaa sheegatay in ay ku guuleysatay 49%,Halka Mucaaradkuna ay sheegeen in natiijadaasi tahay mid waxba kama jiraana.
Kormeereyaashii Caalemiga ahaa ee dusha kala socdey doorashooyinka dalka ka dhacay ayaa haatan u kala garqaadaya labada dhan.
Hogaamiyeyaasha labada xisbi Mucaarid ee USN iyo PPU ayaa soo bandhigay cadeeymo muu jinaya sida codadka loo kala helay.
Cadeeymahan o laga soo ururiyay dhamaan afartii boqol ee goobood ee codadka laga dhiibtay.
Cadeymahaan oo ay sadexda xisbi ee tartamayeenba ku sexeexan yihiin ayaa adag sidii ay xukuumada Jabuuti u dafiri laeheyd ku shubashada baahsan ee ay ku kacday.
Jabuuti ayaan Sabtidii cidi shaqo tegen ka dib kolkii Xukuumadu shacabka amartay in aan la soo bixin.
Maanta oo Axad ahna wax dhaqdhaqaaqa oo badani magaalada kama Jiro.
Sidoo kalena Mucaaridka Jabuuti ayaa maalinta berito ah qorsheynayaa isu soobax balaaran oo lagu diidan yahay ku shubashada Xukuumada.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com
