Hargaysa 02.March. (SDN) Gudiga qiimaynta Mashruuca horuminta Somaliland BSF ayaa manta shir jara’iid oo ay ku qabteen magaalada hargeisa ayaa waxay kaaga warameen mashaaric ay dalka ka hirgalinayaan .
Gudigan ayaa waxa ay sheegeen in ay bishaan ku dhawaaqi doonaan dadkii ku guulaystay mashaaricdaas kuwaas oo dhan 59 xubnood .
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Dr Sacaad Cali Shire oo gudeemiye u ahaa gudiga qiimaynta mashruucan ayaa hadal uu halka ka jeediyey waxa uu sheegay in mashruucani ku salaysnyahay baahiyihii ay soo gudbiyeen ka qayb gala yaashu kuwaas oo isagu jira dhinacyada xoolaha ,Beeraha ,Warshadaha ,xabkaaha iyo beenyada ,Tacliinta iyo mashaaric kale oo horumarineed .
Wasiirku waxa u usheegay in waajigan hore ee mashruucan lagu maal galindoono laba milyaan oo dollar waxaanu wasiirku uga mahad naqay deeqbixiyayaasha maal galintan ka qayb qaatay iyo haya’aadihi curiyey fikirka .
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay maareeyaha dhinaca dhaqaalah haya’aada SBF Mr DENIS DUNN oo sheegay in mashruucani yahay mid wax tarwayn u yeelan doona Bulshada isla markaana lagu abuuri doono in ka badan lix boqol oo shaqo
Kulankan wax aka qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ,Xanaanada Xoolaha , Ganacsiga iyo gudoomiyaha jaamacada Golis .
Mashaaricdan yaryar ayaa la sheegay in laga hirgalinayo gobolada ka baxsan caasimada .
Hargaysa SDN.
