Uncategorized

Gudoomiyaha Gobolka Hawd oo Kulan la yeeshay Isu Duwayaasha laamaha dawlada ee Gobolkaas

Hargaysa 02.March. (SDN)  Gudoomiyaha Gobolka hawd Ibraahin Xaaji xasan ayaa xafiiskiisa kulan balaadhan maanta kula yeeshay laamaha dawladda ee gobolkaasi,  Gudoomiyah Gobolku waxa  warbixino uu  ka dhegaystay isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee Gobolkaasi kuwaasoo ka warbixinayey hawlaha ay gobolkaugu xilsaaran yihiin iyo iyo shaqada ay xiligan gacanta ku hayaan oo ay soo raacdo caqabadaha jira io sida ay u arkaan in lagaga gudbi karo.

Mayorka Magaalada balligubadle Cabdi iimaan Jaamac ayaa kulankaasi ku faahfaahiyey waxyaabaha ay dawlad hoose ahaan xiligan gacanta ku hayaan halka sidoo kalena uu gudoomiyaha ku wargeliyey in Dawlada hoose gacanta ku hayso dayactir lagu samaynayo dhsmayaal ay leedahay kuwaasoo ay si ku meelgaadh ah ugu sii shaqayn doonaan isuduwayaasha wasaaradaha dawladda ee heer gobol

Dhankoodana isu duwayaasha hay’adaha dawladda ee Gobolkaasi oo ay ka mid ahaayeen waxbarashada, Caafimaadka, gudoomiyaha Maxkamadda, taliyayaasha ciidamada asluubta iyo booliska ee Gobolka kuwaasoo gudoomiyaha u soo bandhigay warbixino khuseeya xafiisydooda.

Gebagebadii kulankaasi Badhasaabka gobolka Hawd Md Ibraahin Xaaji xasan waxa uu uga mahadcelieyey mas’uuliyiinta gobolka shaqada ay umadda u hayaan waxana uu ka dalbaday in la sii labanlaabo waxqabadka.

Md Ibraahin waxa uu si gaar ah uga hadlay xaaladda biyo yaraanta ah ee xiligan ka taagan gobolka isagoo sheegay inuu xidhiidh degdeg ah la samaynayo wasaaradda macdanta iyo biyaha ee dalka I tallaabada lagama maarmaanka loo arko looga qaado dhibaatada biyo yarida ah ee gobolka ka jirta.

Hargaysa SDN.