Uncategorized

Xildhibaanadii Haweenka kaga Jirtay Golaha Guurtida oo Maanta iska Casishay Xilkaas iyo Sababta Shaqo ka tagisteedu la Xidhiidho

Hargaysa 02.March. (SDN)  Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ahayd Haweenaydii keliya ee Ku jirtay Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta iska Casishay Xubinimadii Golahaasi,iyadoo Iscasilaadeedana ay ka aqbaleen Mudanayaasha Golaha Guurtidu.

Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Mudane Siciid Jaamac ayaa Xildhibaanada golaha ku Wargaliyay inay Xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeye ay u soo Gudbisay Shirgudoonka Dalab ku Saabsan ka Tagista Golaha Guurtida.

Cod u qaadis loo sameeyay istiqaalada Xildhibaanada waxaa Ogolaaday Shan iyo Afartan Mudane waxaa ka amusay Laba Xildhibaan Gudoomiyuhuna Muu codayn Sidaas ayaanay ku ansaxday is casilaadaasi.

Geesta kale Marwo Faadumo Jaamac Ileeye oo Warfidiyeenada ugu Waramaysay Barxada hore ee dhismaha Golaha Guurtida ayaa iscasilaadeeda ku sababaysay inay keli ku noqotay Golaha Guurtida oo ay ka mid ahayd afartii sanno ee u danbeeyay,taasina ay dhibaato ku noqotay inay ku sii dhex jirto Golaha waxaana hadalkeedii ka mid ahaa

“Runtii waxaana waayey bidhaantii dumarka  Muddo afar sanno ah  waxaan ku jiray golaha guurtida taasi oo aan keli ku ahaa waxaana iga soo dhacday kali nimada  waxayna ila noqtay in aan booskii baneeyo  meeshuna maaha meel loo soo gudbi karo, markii horena waan  ogaa in aanay haween kale ku jirin balse  waxaan arkay in aanay jirin wax kale oo haween ah oo ku soo fool leh golaha”.

Marwo Faadumo Jaamac Ileeye ayaa Golaha Guurtida ku soo biirtay kadib markii uu Odaygeedii Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cismaan Libaaxo (Laangadhe Libaaxo) uu ku Geeriyooday Qaraxyadii Argagixiso ee lala Beegsaday Caasimada Hargaysa 28kii Bishii October Sannadkii 2008dii isagoo Xiligaas ku Jiray Qasriga Madaxtooyada ,Iyadoo  Noqotay Haweenaydii ugu Horaysay ee Xubin ka Noqota Aqalka Guurtida,oo ku Yimaada Xulasho dhinaca Beelaha ah.

Hargaysa SDN.