Uncategorized

Gudiga doorashooyika dalka Kenya oo walaac ka muujiyay Facebook

Nairobi March 02 2013 (SDN)– Gudiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa cabasho waxa ay ka muujiyeen isticmaalka Baraha interneedka sida Facebookga.

Xasan sheeq oo kamid ah gudiga dorashooyinka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xiligani Cabsida ay qabaan ay tahay madaama dhalinyarada reer Kenya 70% ay isticmaalaan Aaladaha dhalinyarada ay ku shekeystaan sida facebooga in ay ku faafiyaan warar lagu kicin karo shacabaka sida in qof aan guuleysan lagu tilmaamo in uu guuleystay taasina dhibaato ay keeni karto.

Waxa uu xasan sheeq sidoo kale sheegay in Xiligani ay socdaan Dadaalo looga hortagayo arinkani xiriir wada shaqeynna ay la leeyihiin shirkadaha internetka iyo wasarada warfaafinta loona xil saaray gudi ka hortaga arimahaasi.

Hadalka gudiga dorashooyinka dalka kenya ee ah in ay Cabsi ka qabaan isticmaalka adeeg internetka ayaa waxa uu imaanayaa xili maalin qura ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya.

 

SDN-Nairobi