Uncategorized

Wasiirka Khaarajiga dalka Siiriya oo Laba-wajiilenimo ku eedeeyay Maraykanka, kana hadlay taageerada la siinayo Mucaaradka ka horjeeda Maamulka Madaxweyne Al-Assad

Beirut 2, March 2013 (SDN)- Wasiirka Khaarajiga Siiriya laba-wajiilenimo ku eedeeyay dawladda Maraykanka, kadib markii ay go’aansatay inay taageero u fidiso kooxaha mucaaradka ah ee isku dayaya inay afgambiyaan Madaxweyne Bashaar al-Asad iyo dawladdiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Siiriya Mr. Walid al-Moallem wuxuu Sabtida maanta ah sheegay intii uu ku gudo jiray safar uu ku tegay caasimadda Lubnaan ee Beirut, in aanu fahmin siday xukuumadda Washington ay kooxo taagero ugu siin karto dilka dadka Siiriya, iyo sidoo kale inay Siiriyaanka ku ciqaabto cunaqabaymo loo marayo dhaqaalaha.

Dawladda Maraykanku waxay todobaadkan ku dhawaaqday in markii u horaysay ay kooxaha mucaaradka Siiriya si toos ah taageero cunto iyo daawooyin ugu fidin doonto, taasoo ay weheliso $60 milyan oo doolar oo ah caawimo dadban oo Milateri.

Siday ku warantay idaacadda VOA qaybteeda afka Ingiriisida, waxa la rejaynayaa inay dalal dhawr ah oo qaaradda Yurub ka tirsani raacaan talaabada USA qaaday.

Madaxa mucaaradka Siiriya Salim Idris wuxuu Jimcihii shalay sheegay in baahida dagaal-yahanadiisu tahay hub uga yimaada Maraykanka, laakiin aanay ahayn cunto iyo agabka dhaymaha (bandages).

Hase yeeshee, dawladda Ruushka oo ah saaxiibkii muddada dheer ee Siiriya, waxay sheegtay in caawimadaasi aanay waxba ka taraynin joojinta colaada sokeeye ee labada sannadood socotay, taas bedelkeedana ay kooxaha xagjirka ah ku dhiirigelin doonto inay awooda raadsadaan.

Masuuliyiin ka tirsan Guriga Cad [ee looga taliyo USA), waxay sheegeen in Madaxweyne Barack Obama uu Jimcihii shalay telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, si uu ugala hadlo Siiriya iyo arrimo kale.

Warku wuxuu intaa ku daray, in labada Madaxweyne ku heshiiyeen inay muhiim tahay in Xoghayaha Khaarajiga Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Khaarajiga Sergei Lavrov ay sii wadaan xoojinta dejinta xaaladda Siiriya.

Xoghayaha Khaarajiga USA Mr. John Kerry wuxuu Jimcihii ka sheegay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, in xilligii xal nabadeed laga gaadhi lahaa Siiriya uu dhamaaday. Mr. Kerry wuxuu sheegay in caalamku aanu daawanaynin maamul kordhinaya gantaalaha uu la dhacayo dadka rayidka ah ee dumarka iyo caruurtu ku jiraan.

Mr. Kerry wuxuu dawladda Turkiga ku amaanay dedaalkeeda bani’aadaminimo ee caawinta qaxoontiga reer Siiriya.

Qurbejoog.com, Beirut