Uncategorized

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo Kulan la yeeshay Maamulada Degmooyinka Gobolka

Hargaysa 02.March. (SDN)       Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ayaa Maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka kaas oo lagaga wada hadlay dardargalinta hawlaha Shaqo ee ay u xilsaaran yihiin.

Kulankan Waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Axmed iyo Xoghayaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise Cabdi .

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamud Cali Jeeni yare ayaa sheegay in kulankani uu yahay isbarasho dhex maraysa isaga iyo maamulada degmooyinka gobolka waxaanu ku booriyay Sidii ay u libin laabi lahaayeen hawlaha Shaqo ee ay Qaranka u hayaan isla markaana ay  Wada shaqayn dhab ah ula yeelan lahaayeen Maamulka Gobolka Maroodi jeex.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu ka codsaday Shacabka ku nool gobolka Maroodi jeex inay bixiyaan Wixii Cashuuro ah ee Ku waajibay ee lagu socodsiinayo hawlaha qaranka.

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Fara Weyne,Cadaadlay,Saba Wanaag,Daarasalaam,Isu duwayaasha Wasaaradaha Waxbarashada,Deegaanka iyo Caafimaadka oo dhamaantood soo dhaweeyay kulankan isla markaana balan ku qaaday inay si hufan ula shaqayn doonaan Madaxda Gobolka Maroodi jeex.

Geesta kale Waxaa kulankaas hadal ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka iyo Xoghayaha Gobolka Maroodi jeex.

Hargaysa SDN.