Hargaysa 03.March (SDN) Fadhiga maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi md.Siciid Jaamac Cilmi ayey ugu horayntiiba mudanayaasha golaha guurtidu waxay warbixin la xidhiidha xeerkan ka dhagaysteen xoghayaha guddid arimaha bulshada ee golahaasi.
Xoghayaha guddida arimaha bulshada ee golaha guurtida Somaliland ayaa warbixinta uu siiyey mudanayasha golaha guurida waxa uu ku sheegay inay guddidoodu wax ka bedel ku sameeyeen qodobo ku jira xeerkan kuwaas oo kala ah qodobka 6aad, qodobka 8aad iyo qodobka 10aad.
Mudanayaasha golaha guurtida ayaa ugu horayntiiba cod u qaaday wax ka bedelka ay guddida arimaha bulshadu ku sameeyeen qodobo ka mid xeerkan kuwaas oo cod gacan taag ah ku ansixiyey.
Ugu danbayntiina mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa cod u qaaday ansixinta xeerka diwaan gelint,kaas oo ay hore u soo ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu.
Mudanayaasha golaha guurtida ayaa codka ay u qaadeen ansixinta xeerkan waxa ogolaaday 37 xildhibaan, waxaana diiday 7 xildhibaan, waxaana ka aamusay 5 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn, sidaasna waxa ku ansaxay xeerka diwaan gelinta.
Hargaysa SDN.
