Muqdisho March 03 2013 (SDN)– Inta uusan Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud xilka Qaran qabanin, waxa uu ahaa shaqsi Arrimaha Bulshada siiba howlaha samafalka iyo waxbarashada xirfad u ahayd.
Xassan Sheikh oo ahaa Prof. 57-Jir ah, waxa uu inta uusan masraxa Siyaasadda soo fuulin iska ahaa nin ku nool dabaqada Dhexe, waxeyna isaga iyo labadiisa Xaas kala deganaayen Muqdisho iyo Nairobi, maadama uu isagu door-biday inuu ku nagaado Magaaladda Nairobi, oo ay Hay’addaha samafalka Caalamiga fariisin u ahayd.
Xassan Sheikh Maxamuud waxa uu ahaa Masuul aad u jecel inay Saxaafadda tooshka ku iftiimiyan Howlihiisa samafalka iyo Nashaadaadka Xibigiisa (PDP).
Bilowgii bishii Sept. ee kal hore waxa uu si la yaab leh ugu Guuleystay Doorashadda madaxtinimadda Somalia, taasi oo uu ku kasbaday Ololihiisa Siyaasadeedoo dibada iyo gudaha laga maalgalinayay.
Shaqsi kasta marka uu xil sare (Heer Qaran) waxaa isbedel ku yimaada hab dhaqankiisa iyo nolol maalmedkiisa, waayo waxa uu shaqsigaasi madaxa la galay nolol ka duwan noloshiisa hore, Xil ka duwan waxay mehradiisa ahayd, saaxiibo ka duwan saaxiibadiisa hore.
Taasi oo ay jirto, ayaa waxaa marag-ma-doonta ah in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud shaqsiyadiisa, Dabeecadiisa, Nolol maalmeedkiisa iyo Hab dhaqankiisa la mid ahayn sidii uu ahaa xiligii uu ahaa Hormuudkii Machadka SIMAD iyo xiligii uu ahaa Guddoomiyaha Hay’adihii samafalka.
Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo horay jeebkiisa wax uga Kharaj-gareyn jiray (Noloshiisa, tan qoyskiisa iyo adeegyada kale sida safarada, kireynta Hotelada, iwm), haatan xaaladu saas ma aha.
Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud, oo aan bilowgii sanadkii 2001-dii kula kulmay Machadka SIMAD, waxa uu ii sheegay inuu aad u jecel yahay Saxaafadda, waxa uuna si gaar ah farta iigu fiiqay inuu aad u dhageysto mid ka mid ah Idaacadaha FM-yada Muqdisho, oo uu Agaasime ka ahaa Milkiile ay isku ehel yihiin.
Tan iyo markii uu xafiis iyo hooy ka dhigtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud diirada la raacay Suxufiyiinta iyo Hay’addaha xuquuqul insaanka iyo kuwa dabagalka Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, si ay u ogaadaan nolosha iyo shaqada cusub ee Madaxweynaha.
Qodobka ugu muhiimsan ee Hadal-heynta ka dhex-jirta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa ah xooraansiyo ku saabsan Cuntooyinka uu xiiseeyo Madaxweynaha, Talooyinka La-taliyaashiisa aan Khibrada sare lahayn iyo Safaradda xad-dhaafka noqday ee uu marba diyaarad ku tamashleynayo.
Cunto-kariyaasha madbaqa Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa kuwo mashquul ah marka la eego cunto-kariyayaashii Madaxweynihii hore ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Weriye ka tirsan Wakaalada Wararka ee AFP oo dhawaan booqday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa uu isha la raacay Cuntada uu Madaxweyne Xassan uu quraac ahaan u cunayay.
Weriyaha oo lagu magacaabo Boris Bachorz waxa uu xusay in Madaxweynuhu horyaalleen Saxan beer ari ah, Khudaar iyo Mushaariyo (Porridge), iyadoo Madaxweynaha uu Xilligaas hadal ka dhageysanayay La-taliyayaashisa oo iyaguna isha ku hayay cuntada ay ku cunayeen qolka Cuntada (The dining room) ee Villa Somalia.
Madaxweynaha oo xiligaas u muuqday mid daneynayay U-qeybsanahiisa Dhinaca isgaarsiinta oo lagu magacaabo Maalik Cabdalla ka akhrinayay Laptop-kiisa warbixin ku saabsan War-saxaafadeed ay Kooxda Alshabaab ka soo saartay Khilaafka kala dhexeeya Taliyihii hore ee Abu Mansuur Al-amriiki oo reer Mareykan ah.
La-taliyaha Madaxweynaha (Maalik Cabdalla) ayaa waxa uu cod dheer ugu sheegay Madaxweynaha inay Kooxda Alshababa doonayan inay Fariin u diraan Maal-galiyayaashooda si ay ugu sheegan inay Alshabaab mid tahay.
Si kastaba ha ahaatee, dad xog-ogaal u ah Hab-dhaqanka Madxaweynaha ayaa rumeysan inuu Madaxweynaha ugu jecel yahay nolol maalmedkiisa arimahan soo socda:-
1- DHANKA SIYAASADDA:-
