Hargeysa Mar 04,2013(SDN)-Hay’ada Sirdoonka Somaliland ayaa qirtay xadhiga qaar ka mida ciidanaka sirdoonka oo loo qabqabtay tuhuno argegixisonimo oo ay ku fooganaayeen.
Sidaa waxa lagu sheegay warmurtiyye ay soo saartay hay’ada sirdoonka Somaliland oo ka jawaabayay baahin ay arrinkan saxaafadu ku samaeysay.
Warmurtiyeedka hay’ada Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale baaq u jeedisay shacabka Somaliland,qoraalkuna waxa uu u dhignaa sidan“Wuxuu Wargeyska Qoraalku ku socdo ee Jamhuuriya Cadadkiisa 5065 ee soo baxay 03/03/2013 Bogiisa hore Far waawayn ku qoray “ Xubno ka mid ah Sirdoonka Qaranka Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa” Hadaba, waxaan si kooban Wargeyska Jamhuuriya iyo Wargeysyada kale iyo Dadweynahaba ku wargelinayaa Qodobadan Hoos ku qoran;- 1. Waxa Dhawaan la Ansxiyay Sharciga Hay’ada Sirdoonka Qaranka, kaasoo fasaxaya ama Ogolaanaya in aanu qabano cid kasta oo lagu tuhmo arrimo argagaxiso, Hadiiuu ka tirsan yahay Sirdoonka, Ciidamada kale ee Qaranka, Shaqaalaha Dawlada iyo Dadweynahaba. 2. 3. Nimankan ka tirsan ee Wargeysku soo qaaday iyo Dad kaleba waanu qabanay, waana la baadhay 4. Ugu dambayntii waxa socda hawlgallo lagaga hor tagayo Falalka Argagaxisada. Sidaa darteed, waxaan Dadweynaha guud ahaan ka codsanaynaa in la soo shego cid kasta oo lagu tuhmo arrimo Argagaxiso, iyadoo aan looga gabanayn xil uu hayo ama magac bulshada dhexdiisa ku leeyahay.”
SDN-Hargeysa
hargeysa@qurbejoog.com
