Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaraya Dooxa Qadar (Sawirro)

Dooxa March 04 2013 (SDN)— Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay waxa ay gaareen Magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyaha Soomaaliya ayaa casuumaad ka helay Boqorka dalka yare e Qatar, Sheekh Xamaad Bin Khaliifa, waxaana la filayaa in uu sidoo kale la kulmo dhinacyda kale ee dowladda Qadar.

Wafdiga Madaxweynuhu uu hogaaminayo ayaa waxaa ku jira Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarzan.

Si cad looma oga ilaa iyo hada waxa uu salka ku hayo socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo socdaalkiisa Qatar aan horay loo sii shaacin.

 

SDN-Dooxa