Hargaysa 03.April (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo ay Yeelatay Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada taas oo lagu qabtay Xarunta Cusub ee Wasaaradaasi ku leedahay Caasimada Hargaysa .
Munaasabada waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiiro ka tirsan xukuumadda , Taliyayaasha ciidanka Dawladda qarkood, shaqaalaha wasaaradaasi iyo mas’uuliyiin kale.
Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga Maxamed cilmi Aadan ((Ilkacase)) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay bulshada Somaliland in uu ku simay fulinta ballanqaadkii xisbiga kulmiye ee ku aadanaa hagaajinta xaaladda farsamo iyo ta ka faa’iidaysi ee xeebaha Somaliland, isagoo tilmaamay in kalluumaysatada somaliland ay beryahan dambe hadal hayeen in kalluunkii uu xeebta ku soo dhowaaday taasoo ka turjumaysa go’aankii ay xukuumaddu ku baabi’isay heshiisyadii ay shirkadihii shisheeye kaga kalluumaysan jireen xeebaha Somaliland.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda Md Cabdilaahi Jaamac Cusmaan ((Geeljire)) oo isna madashaasi ka hadlay waxa uu tibaaxay in talaabadani ay qayb yar uun ka tahay fulinta hawshii uu Madaxweynahu u xilsaartay hay’adda Xukuumadda , waxana uu sheegay in dhismaha xarunta wasaaraddani uu yahay mid laga fuliyey khasnadda dawladda isla markaana aanay gacan ka gaysan hay’adaha caalamiga ah, waxana uu wasiirku xusay in Shirkadda dhismaha ee daryeel ay fulisay dhismaha wasaaradani.
Md Geeljire waxa uu ka codsaday hay’adaha dawladeed ee ay wada shaqaynta leeyihiin inay adkeeyaan xidhiidhka dhexdooda taasoo uu ku sifeeyey mid dhabbaha u sii xaadhi doonta in lagu sii socdo jihada horumarka.
Madaxweynaha JSL Md axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) oo kelmad dhiirrigelin ah halkaasi ka jeediyey ayaa ku tilmaamay dhismaha wasaarada loo dhisay mid aad loo qurxiyey, waxana uu madaaxweynuhu sheegay in shacbiga somaliland looga baahan yahay in la barto aqoonta iyo culuunta Kalluunka si loogu tallaabsado ka faa’iidaysigiisa isla markaana loo dhoofin lahaa sida xoolaha nool dibadda loogu dhoofiyo. waxaanu halkan idiinku soo Gudbinaynaa Khudbadihii kala duwanaa ee Xadhig ka jarista Xaruntan laga Jeediyay ee dhagaysi haboon.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KALLUUMAYSI03.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com




