Uncategorized

Kenya oo sheegtay in qaar kamid ah Ciidamadeeda ay kala baxeyso Soomaaliya

Nairobi April 04 2013 (SDN)– Iyadoo ciidamada ka socda wadanka Siraliyoon ay soo gaareen Soomaaliya ayaa hadana waxaa jira qaar ka mid ah ciidamada Kenya oo lagu wado inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Ciidamadaan la sheegay inay laabanayan ayaa gaaraya labo batalyan oo Kenyan ah,waxaana booska ay ka baxaan buuxinaya ciidamada Siraliyoon ee Muqdisho soo gaaray.

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadan ka qeyb qaateen sidii shabaab looga saari lahaa qaar ka mid ah Deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo ay ku xooganaayeen.

Soo gaaritaanka Soomaaliya ciidamada Siraliyoon waxay u fasaxeysaa xukuumada Nairobi in hal batalyan oo ciidamo ah kala baxaan Soomaaliya,kuwaasi oo dib ugu laabanaya gudaha Kenya.

Ciidamada lagu wado inay dib ugu laabtaan Kenya ayaa la tilmaamayaa in goobaha ay ka baxaan ay buuxin doonaan ciidamada Siraliyoon,sida saraakiil ciidamada Kenya u hadashay ay sheegeen.

Sierra Leon ayaa noqonaya dalkii Shanaad oo ciidamo keena Soomaaliya, waxaana horey ciidamo ugu joogeen dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.

SDN-Nairobi