Uncategorized

Xisbiga WADDANI oo Awoodda Saaraya Kicinta Shaqaalaha Dawladda & Ciidammadda

Xaaladdo dhawra oo isa soo taraya Baryahan dambe, ayaa waxay ku tacaluqaan Kicinta qaar ka mid ah shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda JSL, taas oo ay dabadda ka wadaan Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani iyagoo u maraya Xubno Sarsare oo Xilal ka haya Xukuumada oo si dadban uga Tirsan Xisbiga Wadani , oo lagu Xanto mid u samaysan Qaab Beeleed.

Haddaba waxa horaantii Bishan dhacday in Xubno fara badan oo ka tirsanaa shaqaalaha maxkamadda Qaranka laga Saaray shaqadda iyagoo Gudanaya waajibaadkoodii Qaranka islamarkaana Todobaadkan Gudihiisa lagu Daray Xubno kale oo ka tirsan isla maxkamaddaha Hoose ee Gobolka M/ jeex ,kuwaas oo dhamaantood ama intooda badani ka soo jeedaan Beel kaliya ,halka shaqaalhan iyo shaqaalaha horaba uu Eryay Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada oo isku Hayb ah, ahna Beesha Xisbiga Wadani;

Waxaa kale oo jirta in Baryahan dambe faragalin lagu sameeyey qaar mid ah Ciidamadda Dalka Sida ku qoran warbihiinta Dalka , Arimahan iyo Qaar kale oo badani waxay ku tusinayaan Muqaal Foolxun oo hore aan looga baran mucaaradda S/land.

Si aan haddaba Arintaasi aanay u noqon mid u suura gashay ,waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Beelaha kale in ay ka Foojignaadaan Shirqoolka ay maleegayaan Kooxaha Danaystayaasha ah ee sida tooska ah Gacansaarka ula leh Soomaali wayn ,kuwaas oo balan ku qaaday in Mar saddexaad iyo Mar Afraad ay ka dhex ridaan Dagaalo Sokeeyo oo ka Raad xun ,kana saamayn daran kuwii hore uga dhacay dalka.

Arintani waxay noqon doontaa mid Cawaaqib xumadeeda leh oo inbadan laga sheekeeyo ,laysna waydiin doono haddaan iminka halkeega lagu qaban. Haddaba waxaan leeyahay Haayadaha Baadhista ,Xeer ilaalinta ,Ciidanka Sirdoonka iyo dhamaan Xukuumaddu si ay u damin lahayd Dabkaa Soo baxay .

Waxaba maaha shaqaala la Eryaa markaad Eegto wada sharciga ah,balse waxaad Eegtaa waxa ku daba jira ,dhalin yaradda sida dhibta yar loo Eryayaa waa qaar la rabo in ay tagaan oo ay tahriibaan iyo qaar la rabo in ay kacdoono ka samayaan Dalka Gudihiisa ,markay Ogaadaan in aanay Xukuumadoodu waxba ka qabanayn Sharci daradda lagula kacayo,  Maxaynu u soo saarnaa intaas oo dhalin yar ah oo ka soo baxay Jaamacadaha dalka ,haddaynaan dar yeelayn kuwii hore ee ka soo baxay jaamacadaha dalka ,Maxaa loo dhibaataynayaa Bulshadan Dan yarta ah ee aan awoodin lacagaha intaa leeg ,miyaanay u fududayn in Caruurtooda kun kun doolar ugu diraan Liibiya oo Biimeeyaan Naftooda ;  Maxaynu kaga hortagaynaa ismiinaynta iyo Argagaxisata lagu qasbayo Dhalin yarada S/land , haddii aynaan lahayn qorshe Balaadhan oo dhinac walba leh oo u yaala Xukuumadda iyo Goloyaasha qaranka .

Ugu dambayntii Gurmad qaran ayay u baahan tahay Arintani ,waayo hore umay dhicin in Beel ka mid ah Beelaha S/land si toos ah uga badheedho ka hor imaatinka Sharciyadda Qaranka JSL iyagoo gudaha ugu jira Qaranka kana mid ah Xukuumadda Talinaysa iyo Xisbiyadda Qaranka.

 

 Qalinkii: Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Guun), Xubin Ka Tirsan Golaha Sare ee SONYO

Guun_1@hotmail.com, Hargeysa, Somaliland