Uncategorized

Al Shabaab oo u dhacday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya,qoraalo xasaasiyana ka qaadatay

Muqdisho April 06,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamda dawlada Soomaaliya iyo kuwa nabada ee Afrika ayaa dhawaan si farsameysan ugu dhacay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Shabaabka ayaa la sheegay in ay bartilmaansadeen xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kala baxeen qoraalo sir ahaa.

Sidaa waxa dhawaan daabacday jariirad la yidhaahdo la socodka amniga gacanka Cadmeed oo bogna ku leh Internetka.

Jariiradu ma ay shaacin xogta ay Shabaabku ka qaateen Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Jariiradu ma aynan shaacin cida loo adeegsaday in loo dhaco xafiiska madaxtooyada Muqdisho.

Jariirada ayaa Shaacisay in kooxaha xagjirka ee dunida Islamka ka jiraahi ay Shabaabka talaabadan ku hanbalyeeyeen.

Dhawaan ayay aheyd markii la shaaciyay in hub faro badan oo yiilay Madaxtooyada Soomaaliya la xaday.

Dawlada Soomaaliya iyo Shabaabkuba kama aaney hadal dhacdadan la yaabka leh ee la faafiyay