Baladweyne April 06,2013(SDN)-Waxa maanta dib u hawlgalay xafiisyo fara badan oo ay Xawaalada Dahabshiil ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Xafiisyada ooda la rogay oo xanibnaa mudo maalmo ah ayaa tiradoodu ay gareysaa ilaa Sagaal xarumood.
Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan irirdada u laabay xarumo faro badan oo ay Dahabshiil ku leheyd degaanada weli Kooxdaasi ay ka hawlgasho.
Shirkada Dahabshiil ayaan wax war ah ka soo saarin sababaha loo xiray xarumahooda.
Sidoo kale Dahabshiil kama hadlin sifada haatan lagu furay xarumahan ku yaal gobolka Hiiraan.
Kooxda Al Shabaab ayaa hore lacago dul dhigan jiray gebi ahaanba shirkadaha ganacsi ee ka hawlgala aagaga ay ka arimiyaan.
Inkasta oo dawladaha qarbigu arinkaa ay hore uga soo saareen goaamo xaarantinimeyay la macaamilkaa Shabaabka.
War Shabaabku ay hore ugu faafiyeen baro Internetka ah oo lala xiriiriyo,waxa ay sheegeen in Dahabshiil la xanibay ka dib kolkii ay wax ka bedeleen habkii ay u hawlgeli jireen.
SDN-Baladweyne
contact@somalidiasporanews.com
