Uncategorized

Wada hadaladiii u dhexeeyay Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya Oo Bilaabanaya

Muqdisho April 06 2013 (SDN)— Ururka Ahlusuna ayaa sheegay inay bilaabayaan wadahadalka Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna udhaxeeyay ee horay usocday.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Guddoomiyaha Golaha talada ee Ururka Ahlusuna oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ahlusunada Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ay halkeedii kasii ambaqaadi doonto wadahadalkii udhaxeeyay Dowladda iyo Ururkaasi.

Heshiiskii Ahlusuna Gobalada dhexe iyo Dowladda ku dhexmaray Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayuu sheegay in la eegi doono dhaqangalkiisa.

Guddi labada dhinac ah oo ka kooban Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ayuu tilmaamay in la magacaabayo kadibna ay sii dardargelin doonaan heshiiskaasi.

Ahlusuna Gobalada dhexe iyo Dowladda Soomaaliya ayaa horay ukala saxiixday heshiis,inkastoo dhaqangalkiisa aysan waxbadan ka qabsoomin.

SDN-Muqdisho