Uncategorized

Xisbiga Wadani oo Mar kale ku Celiyay inay diidan yihiin Wada hadalada Turkigu Marti galinayo waa maxay Sababtu {DHAGAYSO}

Hargaysa 06.April (SDN) Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada isla markaana ah Afhayeenka Xisbiga Wadani ayaa Cadeeyay in Xisbi ahaan ay taageersan yihiin Wada hadal dhex mara Somaliland oo dhinac ah iyo Somalia oo Geesta kale ah waxaase uu Iftiimiyay In Xisbi ahaan aanay marnaba Ogolayn in dawlada Turkigu ay Wada hadashiiso labada dal isagoo Sheegay in Turkigu aanu dhex ka noqon karin Wada Xaajoodka Labadda dal.

Afhayeenka Xisbiga Wadani waxa uu Xukuumada Somaliland ka dalbaday inay ku soo noqoto Miiska Wada hadalka isla markaana ay Golayaasha iyo Xisbiyada Qarankaba Tallo Midaysan ka siiso Wada hadal kasta oo taabanaya masiirka Ummada,Waxaanu hadalkan ka sheegay Shir uu Saxaafada u qabtay .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Ibraahinbuba.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com