Uncategorized

Al Shabaab oo Haweeney Ku Toogtay Fagaaro Kuyaalla Magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan

Buuloburde April 08 2013 (SDN)— Wararka laga helayo Magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al Shabaab ay haweeney ku toogteen Fagaaro ku yaalla Magaaladaasi.

Al Shabaab ayaa haweyneda ay dileen ku eedeeyay in ay jaajuus u aheyd dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka waxaana ay tilmaameen in ay ka soo qabteen Magaalada Baraawo ee gobolka Sh/hoose.

Dad goobjoogayaal ah oo tagay goobta lagu toogtay haweeneydaasi ayaa u sheegay Qurbejoog.com in haweeneyda la dilay ay aheyd gar aad u da’yar oo la tahun sanyahay in gaari Magaalada marayay laga ladagay.

Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo ka hadlay fagaaraha lagu toogtay gabadhaasi ayaa sheegay in ay aheyd jaajuus u shaqeynayay dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka waxaana uu tusaale u soo qaatay in ay calaamad Istilaab Gaduudan ah ku qortay guryo ay daganaayeen Amiiro Al Shabaab ah sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiishii kale ee ka hadashay goobta ayaa ku goo diyay in ay hayaan dad kale oo ku lugleh falal kuwaani oo kale islamarkaana sidaan oo kale ay ku abaal marin doonaan sida ay hadalka u dhigeen.

Mahan markii ugu horeysay ee Al Shabaab dad ay ku eedeeyay Jaajuusnimo ay ku dilaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

SDN-Buuloburde